|

Dowladda Maraykanka Oo Wacad Ku Martay in ay difaaci doonta K/koofureed

Washington April 03 2013 (SDN)– Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka John Kerry oo kulan kula qaatay Magaalada Washington dhigiisa Kuuriyada Koofureed ayaa waxa uu sheegay in dowladda Maraykanka ay ka go’antahay difaacida Xukuumada Seol.

John Kerry ayaa sheegay in Maraykanka uusan marnaba Aqabalayn Nugleer ay sameystao Kuuriyada Koofureed islamarkaana ayku dhaqaaqi doonaan si kasta oo ay uga hortagi karaan.

Xisada ka tagan gacanka Kuuriya ayaa cirka isku sii shareereysa iyadoo saakay ay sidoo kale Xukuumada Kuuriyada Waqooyi ay ku dhawaaqday in ay joojisay in lagalo Aaga Warshadaha ee kuyaalla dalkaasi.

Maalmo ka hor ayaa Xukuumada Piyongyan waxa ay ku hanjabtay in ay weerari doonto Kuuriyada Koofureed iyo saldhigyada maraykanku uu kuleeyahay dalkaasi.

Comments are closed