Dowladda Jabuuti oo maanta deeq dawo ah ku wareejisay Wasaaradda Horumarinta adeegga Bulshada ee Somalia.
Muqdisho 02.July (SDN) Deeqdan dawada ah oo cadadkeedu dhanyahay 12 Tan ayaa waxaa maanta si rasmi ah u la wareegay Wasiir ku xigeenka wasaaradda Horumarinta adeegga Bulshada Soomaaliya Mudane maxamuud macallim Yaxye,iyadoo uu ku warejiyay wasiirka Dhaqanka ,Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda jabuuti oo maalmahanba socdaal shaqo ku jooga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho..
Deeqdan dawada ah ayaa waxaa ugu deeqay Shacbiga Somaaliyeed Wasaaradda caafimaadka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti,iyadoo Munaasabadda wareejinta dawada oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee aaden cadde ay goob joog ka ahaayeen Masuuliyiin ay kamid yihiin Wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha mudane Maxamed cali xagaa,Safiirka jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya Dayib Dubbad Rooble iyo abaanduulaha ciidamada AMISOM Gen.Cusmaan Subagle.
Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka,Arrimaha Dinta iyo Awqaafta ee Jabuuti Mudane Aaden xasan Aaden oo markii uu wareejiyay deeqdan dawad ah la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in Deeqdan ay Dowladda Jabuti ugu talagashay inay ku taageerto dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan iyadoo uasoo marsiinaysa Dowladda Federaalka ah ee Somalia.
Sidoo kale Ku Xigeenka Wasiirka Horumarinta adeegga Bulshada ee Soomaaliya Mudane maxamuud Macallim Yaxye oo isna garoonka kula hadlay Saxafiyiinta ayaa uga mahadceliyay Jambuuriyadda jabuuti kaalinteeda ay ku caawinayso Shacbiga Soomaaliya waxa uuna wasiirku ballan qaaday in wasaaraddiisu sida ugu dhaqsaha badan ay ugu wareejinayso dawadan Isbitaallada ku yaalla Magaalada Muqdisho,isagoo xusay in sido kale ay tix gelin siin doonaan isbitaallada kale eek u yaalla gobollada dalka gaar ahaan kan magaalada Kismaayo oo isagan aay dawa yari ka jirto
Dowladda jabuuti ayaa dhowr jeer ooh ore dowladda Soomaaliya sidaan oo kale ugu wareejisay Deeq dawo ah kuwaasoo ay ugu talagashay in lagu caawiyo dadka soomalaiyeed eek u dhibaateysan gudaha Caasimadda iyo qaar kamid ah gobollada dalka ,waana Dowlad saaxiib iyo walaal la ah Soomaaliya islamarkaan a Dedaal badan ku bixinaysa in Soomaaliya ay ka dhalato Xasillooni iyo nabadgelyo taam ah.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com