|

Dowladda Ethiopia Oo Ciidamadeeda kala baxaysa dalka Soomaaliya

Addis Ababa  April 24 2013 (SDN)– Dowladda Ethiopia ayaa ciidamadeeda kala bixi doonta Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan sida laga soo xigtay Ra’iisul wasaaraha dalkaasi

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Xayla Maryam Deselin ayaa waxa uu sheegay Madaama ay dowladda Soomaliya hesato taageero ay ka heleyso Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM aysan hada jirin sabab ay u sii joogaan Soomaaliya.

Ciidamada Ethiopia ayaa siweyn u taageera Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Koofurta Soomaaliya inkastoo dhawaan deegano dhawr ah ay ka baxeen.

Ethiopia ayaa Soomaaliya Ciidamadeeda ugu soo dirtay si ay ula dagaalamaan Xarakada Al Shabaab oo gobolka qatar badan ku heysa.

Hadlak ka soo baxay dowladda Ethiopia ayaa muujinaya khilaaf u dhexeeya Ciidamada AMISOM, dowladda Soomaaliya iyo Ethiopia.

SDN-Addis Abaab

Comments are closed