|

Dowladda Canada oo qeyla dhaan ka muujisay Soomaalida dalkeeda galeysa iyo kuwa ka soo baxaya

Sida ay qortay jariirada Global News iyadoo soo xiganeysa Saraakiil ka tirsan hay’ada Sirdoonka Canada,waxay shaacisay in Xukuumada Canada cabsi weyn ka muujineysa Qatar dhanka ammaanka kaga soo wajahan xilli gudaha dalkaasi ku sii badanayaan dhalinyarada gacansaarka la leh Al-Shabaab.

Hay’ada ugu sareysa ee dhanka Sirdoonka Canada ayaa cadeysay in warbixino badan xafiiskooda ay soo gaareen oo ku aadan in dhalinyarada ka soo barbar dagaalamaya Al-shabaab ay kusii badanayaan dalkaasi,kuwaasi oo sida ay sheegeen Qatar ku ah ammaanka.“Dhalinta Canidiyanka ah ee raacsan shabaab ayaa ah kuwo ku sii badanaya Canada,waana mid Qatar ku ah amaanka iyo xasiloonida”,ayuu yiri agaasimaha sirdoonka Canada Richard Fadden.

Wuxuu sheegay Mr Richard Fadden inay ka warqabaan toboneeyo dhalinyaro ah oo intooda badan da’dooda tahay 20-sano jir oo qaarkood u safray Soomaaliya halka qaar kalena iminka ay isku dayayaan inay aadaan Soomaaliya oo ka barbar dagaalamaan Al-Shabaab oo xariir la leh Al-Qaa’ida.

Mid ka mid ah dhalinta Canadiyanka ah ee Soomaaliya ka dagaalamaya,islamarkaana dib ugu laabtay Canada ayaa ka sheekeeyay qaabka iyo habka ay u howlgalaan Al-shabaab iyo sida dhalinta ay u soo jiidaan.

Waxaa lagu magacaabaa wiilkaan Mohamed Abdullahi Mohamed,isagoona daaha ka qaaday in shabaab markoodii hore yaraayeen,balse iminka ay kordheen tiro ahaan sida uu sheegay,taasi uu ku micneeyay kororka dhalinyarada ka soo jihaad tageysa dalka dibadiisa.

Hayeeshee Xukuumada Toronto ayaa feejignaan dheer kaga jirta dhalinta shabaab ee dalkeeda ka soo ambabaxaya,kuwaasi oo dhamaantooda uu yahay inay la dagaalamaan Xukuumada Soomaaliya iyo xoogaga caawinaya.

Comments are closed