Dowladaha Ingiriiska iyo Imaaraadka Carabta Oo Kawada Hadlaya Arrimaha Soomaaliya
London March 29 2013 (SDN)– Boqorada Dalka Britain, Queen Elizabeth II iyo Madaxweynaha Dalka Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa Bin Zayed Al Nahyan ayaa la qorsheynayaa in ay kulan ku yeeshaan Qasriga Boqortooyadda looga arrimiyo Dalka Britain ‘Buckingham Palace’ ee Magaaladda London.
Labadani hogaamiye oo kulankooda dhinacyo badan taabanaya ayaa sidoo kale waxa ay ku soo hadal qaadi doonaan arimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin aminiga, qatarta burcad badeeda iyo arimo kale oo aad muhiim u ah.
Warbaahinta Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa waxa ay sheegeen in Ajendayaasha kulanka ay yeelan doonaan labada Hoggaamiye ay ku jirto Arrimaha Somalia, ayagoona si gaar ah Diirada u saari doona arimaha burcad badeeda Soomaalida iyo sida ugu haboon ee la isaga kaashan karo la dagaalankooda.
Waxay sidoo kale kulankooda ku soo hadal qaadi doonaan sidii Soomaaliya haatan looga gacan siin lahaa sugida amniga oo dhibaatada ugu weyn ee haatan Soomaaliya ka jirta ay tahay.
Ciidamadda Badda Britain iyo Imaaraadka ayaa waxa ay qeyb ka yihiin Hawlgalka Caalamiga ah ee la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida.