|

Dowladaha China Iyo Morocco Oo Kawada Hadlaya Howlgalka Ka Dhanka Ah Burcad Badeeda

Begin April 11 2013 (SDN)— Sida ay qortay wakaalada wararka dalka China Saraakiil ka socota ciidamada badda dalka China ayaa waxay gaareen arbacadii shalay dalka Morocco waxaana ay halkaasi ay u tageen booqasho shan maalina ah ,iyaga oo indho indheynaya xaalada la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida.

Madaxa saraakiisha booqatay dalka Morocco ayaa sheegay in labo ujeedo inay u tageen dalkaasi,waxaana midda koowaad uu ku sheegay inay tahay sidii loo xoojin lahaa howlgalka ka dhanka ah burcad badeeda.

inta booqashadaan ay socoto waxay ka kulmi doonaan madaxda ciidamada badda dalka Morocco oo ay kala hadli doonaan arimaha ku aadan tababar la siinayo ciidamadaasi iyo howlgalka ka dhan ah burcad badeeda ee gacanka hadan iyo xeebaha Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa ka socda xeebaha Soomaaliya inka badan 4 sano waxaana ka qeyb qaadanaya dowlado badan oo ku midoobay magaca howlgalka Atlanta.

wararka kale oo kasoo baxaya waxyaabaha ay ka wadahadlayaan saraakiishan ka socota ciidamada badda dalka China iyo ciidamada Marocco ayaa la sheegay inay qeybka tahay sidii ciidamada badda dalka Marocco ay u xaqiijin lahaayeen xeebaha dalkooda.

Tababar ayaa la sheegay in la siin doono ciidamadaasi oo ku aadan dhaqanka iyo la dagaalanka burcad badeeda.

Maraakiibta dagaalka dalka China ayaa qeyb ka ahaa howlgalka la dagaalanka burcad badeeda ee xeebaha Soomaaliya tan iyo bishii December ee sanadkii 2008.

SDN

Comments are closed