|

Dowlada Somalia oo Abaaraha kala hadashay QM iyo Mareykanka

Muqdisho (QJ) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Sooomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha dalka Md C/raxmaan C/shakuur ayaa maanta kulan la yeeshay ku xigeenka wasiirka arrimaha dibedda Maraykanka Victoria Nuland oo booqasho ku timid Soomaaliya .

Kulanka oo looga hadlayey gurmadka abaaraha ee dadka abaaruhu saameeyeen ayaa waxaa ka qeybgalay, Safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ambassador Lary Andre , madaxa USAID, ku xigeenka ergeyaga gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani’aadannimida iyo madaxda hay’adaha WFP, UNICEF, FAO.

Ka qeybgaleyaasha kulanka ayaa ka isku waydaarsaday xog iyo tallooyin ku aaddan sidii degdeg wax looga qaban lahaa dadka abaaruhu saameeyeen, loona heli lahaa gurmad iyo taageero caalami ah.

Ergeyga gaarka ah ee Abaaraha Somalia ayaa uga mahadceliyey Dawlada Maraykanka taageerada joogtada ah ee la garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed, Waxa uu sidoo kale Ergeygu ballan qaaday in dawladda Soomaaliya ay daddaal kasta ku bixinayso sidii loo gargaari lahaa dadka abaaruhu ku dhufteen iyo in la fududeynayo hawlaha gurmadka.

 

Comments are closed