|

Dowlada Shiinaha oo gaadiid Milatari ugu deeqday dowladda Jabuuti

Jabuuti Jan 30 2013 (SDN)— Dowlada shiinaha ayaa deeq 50 gaadiidka Malitari ugu deeqday dalka Jabuuti,si ay Jabuuti ay ugu dhiirato inay sii wado taageerada ay siineyso Soomaaliya dhanka badda iyo barigaba.

Wasiirka difaaca Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa deeq ka kooban 50 gaadiidka millatariga ah ka guddoomay dawladda Shiinaha, sidaana waxaa qoray The Nation ee ka soo baxa Jabuuti.

Danjiraha Shiinaha Zhang Guoqing ayaa guddoonsiiyay Jabuuti baabuurta booyadaha xambaarsan, gaadiidka wax lagu raro iyo wiishash looga golleeyahay in lagu xoojiyo ciidamada qalabka sida ee Jabuuti.

Dhamaan deeqdani Malitari ee loogu deeqay Djabuuti ayaa qeyb ka ah howgalka Jabuuti ciidamadeeda ay ka wadaan Soomaaliya sida la dagaalanka Al-Shabaab iyo dagaalka Jabuuti uu dhanka bada ah ka wado ee burcad badeeda Soomaalida uu kula jiro.

“Tani waxa ay markhaati u tahay xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya labadeenna dal, Jabuuti iyo shiinaha ,” ayuu yiri Maxamed oo ka hadlay munaasabad ay ka soo qayb-galeen saraakiil sarsare oo ka tirsan millatariga Jabuuti.

Wasiirka Difaaca Jabuuti Cabdulqaadir Kamil Maxamed ayaa markii gacanta ay ku dhigeen deeqda ka soo gaartay shiinaha uu ka dhawaajiyay in deeqdani ay ku kordhin doonaan “tayada howlgaleed ee ciidamada ka qayb-galaya howgalka nabad-ilaalinta ee Soomaaliya ee Jabuuti, iyo sidoo kale dagaalka looga soo horjeedo argagixisada,iyo burcad badeeda Soomaalida.

Dowlada Jabuuti ayaa deeqdani ay heleen waxay rajo wanaagsan u gilineysaa sidii ay usii laba jibaari lahaayeen dadaalada ay ka wadaan Soomaaliya ee ay ku doonayaan inay kala qeyb qaataan ciidamada Midowga Africa ka socda ee doonaya in Soomaaliya nabad ka dhigaan.

SDN-Jabuuti

Comments are closed