|

Dowlada federaalka oo sheegtay in loo diiday soo daabacashada lacago cusub oo Shillin Soomaali ah

Muqdisho 24.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Qorsheynta Xukuumada Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Shiikh Cali Yuusuf (Ceynte) ayaa ka waramaya sababaha ay dowladiisa u soo daabici weysay lacago cusub oo shilin Soomaali ah iyo duruufaha ka hor taagan arintaas.

 

Lacagta SomaliaCeynte ayaa sheegay in Soomaaliya lacago cusub oo ay soo daabacato ay ka hor taagan yihiin Hay’ada lacagta Aduunka ee IMF Bankiga Aduunka.

 

“Bankiga aduunka iyo heyadda IMF wey diideen inaan lacago cusub soo daabacano, waxayna ka digeen in arintaas xiligan ay sababi karto dhibaatooyin cusub oo dhaqaale iney Somalia lugaha la gasho” ayuu yiri Ceynte.

 

Wasiir Ceynte ayaa sheegay in haddii Soomaaliya ay daabacdo lacago cusub inuu imanayo isbedel dhanka dhaqaalaha ah iyo sicir barar wax kasta ku yimaada kuwaasoo dhibaato ku ah bulshada.

 

Waxaa uu sheegay in Bankiga Dhexe ee Soomaaliya uu xilligan ku howlan yahay sameynta lacago cusub oo dalku uu yeesho uuna ku dedaalayo in laga gudbo caqabadaha arintaas hor taagan.

 

“Afar sano ka hor dowladii Madaxweyne Shariif waxay lacag cusub ku soo daabacday wadanka Sudan, hanti badan oo malaayiin dolar gaareysa ayaa gashay sameynta lacagtasa hase ahaatee caqabado jiro awgood lacagtaasi suuragal ma noqon in Soomaaliya la keeno” ayuu yiri wasiirka oo intaa ku daray in soo daabicida lacagta ay sahlan tahay, balse dhaqa gelinteeda ay tahay halka dhibaatadu ka taagan tahay.

 

Somalia ayaa lacagta keliya ee laga isticmaalo xiligan waxay tahay Kunka Shillin oo kaliya, iyadoo aysan jirin lacago kale oo Shilling Soomaali ah oo dalka laga isticmaalo, taas bedelkeedna Dollarka Maraykanka ayaa si aad ah isticmaalkiisu u kordhay kaasoo lagu saleeeyey qiimaha wax walba.

Comments are closed