|

Doorka Hay’da Qandaraaska dawlada oo la tosiya waa cadaalada dalka. Wa talo ku socota Xukuumadu inay arrinka dib u eegto

Waxan marka hore halkan ka salaamaya dhamaan dadka akhrisanaya maqaalkan. Waxan kale oo aan aad ugu mahadinaya wax tarka muuqda ay dawladu soo bandhigtay intii ay xukunka haysay oo qofwaliba indhihiisa ku arkayo.

Inta kadib, Dawlad waliba markay xukunka muda hayso waxa wanaagsan in ay dib u eegto Stragegiyada Siyaasada maamul wanaaga kaasoo ku dhisan wada tashi iyo tala wanaaga shacabka. Waxan halkan kaga hadli doona waxa igu kalifay inan arrinkan wax ka qoro. Ta hore waxaan dhawr jeer warbaahinta ka aragnay dad aad uga hadlaaya Qandaraasyada dawlada bixiso, kuwaaso qaarna amaanayan halka qaarkalena ay ka soo horjeedaan sidii Qandraaska shirkadaha lagu siiyay oo aan waafaqsanayn hab cadaaladeed. Haddii aan ku soo dhawaado mawduuca.

Hadaba marka la eego masuuliyada ay hay’dan qaranka u hayso waa mid aad u muhiim ah, waxanay ka mid tahay meela laga daawada marba siday cadaaladu u shaqayso. Laakin waxad mooda in aanu doorkeedii sidaa u muuqan, marka laga hadlaayo soo bandhigida iyo sidii lagu bixiyay Qandaraasyadii muhiimka ahaa ee la bixiyay kuwaaso qaarkoodba ay ku ka ceen lacag ka badan Malaayin Dollar.

Anigu kolay wali ma arag meel ay Hay’da Qandaraasyadu kaga hadlaayaan arrimaha aan so sheegay si ay dadka ugu qanciyaan hawsha ay qabteen. Marka laga reebo, barigii ay Hay’du Qandaraasyadu iibisay Dhismihi Somali Arlinetu ee ay ku lahayd badhtamaha magaalad. Markaaso ay Hay’du ku soo bandhigay bixintii Qandaraaska iibka Televisionka Qaranka , oo dadkoo dhami daawanayeen , shirkadii ku guulaysatay iyo sida ay ugu guulaysatayba. Markii suaa’ala la waydiiyay waxay u iibinayaan si fiican bay uga jawaabeen.

Tusaale, ahaan marka laga hadlaayo Qandaraaskii oo malaayin baxa kuwaaso ay dawladu bixisay, waxa loo bahan yahay in lagu iclaamiyo dhamaan warbaahinta dalka oo dhan , dadka hortoodana lagu shaaciyo kuwii ku guulaystay iyo siday ku soo baxeenba isla halka laga cadeeyo. Sidii aan kii horeba u sheegayba.

Arrimahan oo kale haddii la hagaajiyo, waxay noqonayan tiirkaa ugu waywayn ay marwalba cadaaladu ku dhisanto waxa isna soo raaco in la adkeeyo cadaalada habka shaqada dadka lagu soo xulo. Labadaasiba waxay door waynkaciyaarayan in ay cadaaladu adkaato , dakuna cabashadu yareeyaan.

Waxa inta dheer mar walba waa in la muujiya in ninka ugu sareya Maxkamada sida wadamada caalamka uu noqdo nin ka madaxbanan xukuumada oo ay marba iska soo dhex doortaan ila gudiga sareysa ee garyaqaanada dalka u shaqeya.

Kaasi hadhaw wuxu noqonaya mid u dhaxeya marwlaba wixii khilaaf ee dalka ka soo baxa, isla markaana aanu awood u lahayn in Madaxweyne beadle waayo waa jaga madaxbanan. Sida imika ka dhacday Masar oo kale. Morsi wuu kari kariwayay inuu bedelo ninka ugu sareya maxkamada marku madaxweynaha ahaa.

Marka waxan ku boorinaya dawlada inay arrimahaaso aan kor ku sheegay oo dhan ay aad isaga xilqaanto. Waxanse ku xoojinaya qodobadan soo socda in la raaco:

In ay marka hore dawladu dhegaysato, dadka ka cabanaya cadaalada darada. Sida meesha ay wax ka khaldanyihin iyo dadka oo cadeeya arrimaha. Iyo la hubiyo wixii ka jira cadaalada darro ka imanaysa dhinaca Qandaraasyada, shaqa bixinta , maxkamadaha iyo wixii la mid ahba.

In la soo celiyo barnaamijkii aha Maqal Masuulkaaga, oo ay toos dadki cabanaya too Masuulka dawlada uga waydiinayan suaa’lo Studiyaha wixii ay ka cabanayan iyaguna ay ka jawaaban. Dadkaasi waa inay ka koobnaadan dhamaan bulshada oo dhan.

In ay dawladu xoog saarto meelaha ay cabashadu ka imanayaan sidii loo hagaajinlaha. Kuwaaso ay u badanyihinn dhinaca Qandaraasyada dawlada bixiso oo dawladuna ay leedahay waan ku saxsanahay , qaar shacabka ka mid ahi ay ku doodyaanan in Qandaraasyada muhiimka ah dad gaar ah la siiyo kuwaasoo aan soo marin nadaamka saxa ah.

Waa inay dadku cabashadoodu si asluubaysan u soo bandhigaan. Iyakoo aan cidna ku gefin.

Waxan hadalkaygi ku soo gabaganaynaya, arrimahan aan sheegay haddii ay dawladu dib u eegto waxan isleeyahay waxa fiicnaanaya tiirarkii maamulka ee wadanku ku dhisna. Dadkii iyo dawladii waxa hagaagi doona kalsoonidii iyo wadashaqayntoodi intaba.

Waxay dawladu marwalba soo bandhigtaa wax qabadkeedi oo muuqanaya intii ay xukunka haysay, kuwaso runtii amaan mudan. Dhinaca kale waxa marwalba barbar socda cabashada dadku ka cabanayan habkii lagu bixiyay Qandarasyadii dalka ama (contracts) oo ay dadku u arkaan inanay badankoodu soo marin dariiqi saxa aha.

Mahadsanidin.

Adan Jama Kahin

Tafatiraha Wargeyska Onkod news online.

UK.

Comments are closed