|

“Doorashooyinkii Masar iyo Suuriya waxay dib inoogu celiyeen Taariikh hore” Wargayska Guardian

London 13.June 2014 (SDN/QJ)- Warbixin uu wargayska Guardian ku qoray tifatiraha arimaha bariga dhexe ee wargayska Mr I An Black ayaa waxa uu ku sifeeyey Doorashooyinkii Madaxweynanimo ee dhowaan ka dhacay wadamada Masar iyo Suuriya kuwo muujinaya in loo baahan yahay in la xaqiijiyo hanaanka Dimuqraadiyadda ka hor inta aan la gelin doorashooyin.

Qoraagu waxa uu leeyahay sida iska soo horjeeda ee ay beesha caalamku uga jawaabtay natiijooyinkii doorashooyinkaasi ee labada wadan ka kala dhacay ay marag u tahay in hawl badani qabyo inaga tahay si aynu bariga dhexe iyo guud ahaanba caalamka uga samayno dimuqraadiyad xaqiiqo ah.

Guardian waxa uu soo bandhigay sida ay dalalka caalamku ugu kala qaybsan yihiin labada doorasho iyadoo wadamada kala ah Maraykanka, Britain iyo faransiisku ay tahniyado ula soo degdegeen CabdifataaxZiizii, halka ay diideen natiijadii doorashadii ka qabsoontay Suuriya, kuna tilmaamay wax riwaayad iyo dheeldheel ah oo looga dan leeyahay in lagu sii xoojiyo mowqifka madaxweyne Bashaar al asad ee gudaha iyo dibadaba, xilli ay dalalka xulafada la ah Suuriya sida Iran, Raashiya iyo Vensuella ay u tahniyadeeyeen Bashaar al asad doorashada ka bacdi.

I An Black waxa uu leeyahay xiliga loo qabtay ku dhawaaqista natiijooyinkii doorashooyinkii labadaa wadan ka dhacay waxa ay caddayn u yihiin xaaladda bariga dhexe taalla, marka laga reebo wadanka Tunis, isagoo qoraagu u arka in Cabdifataax Ziizii uu waajahayo marxalad adag, isla markaana aanu haysan taageeradii uu u baahnaa si uu xaaladaa uga gudbo, hortiisana ay yaalaan mushkilado ay ugu waaweyn yihiin faqriga, shaqo la’aanta baahsan iyo hakashada ku dhacday maalgashigii shisheeyaha

isagoo qoraagu ka hadlayey Bashaar al asad waxa uu ku daray warbixintiisan lagu daabacay wargayska Guardian in doorashadii madaxweynanimo ee Suuriya ay ka qabsoontay oo keliya 40% dhulka dalkaasi oo uu gacanta ku hayo bashaar al asad, xilli deegaanadii balaadhnaa ee dhinacyada waqooyiga iyo bariga dalkaasi la iska fogeeyey oo aan doorasho laga qabanqaabin. taasina ay mustaqbalka Madaxweyne asad ka dhigayso mid aan caddayn.

London SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed