|

Doorashooyinkii Gollaha Degaanka Somaliland ee 2012 oo noqday kuwa qura ee aaney Caalamku Hambalyeyn

Hargeysa Dec 14,2012(SDN)-Doorashooyinkii Golleyaasha degaanka Somaliland ee dalka ka dhacay Bishii ina dhaaftay ayaa noqday kuwa qudha ee dalka ka dhacay ilaa iyo haatan ee aaney beesha caalamku Hambalyeeyn.

Sababtuna waa habka iyo hanaanka loo maareeyay doorashooyinka cabashooyinku hadheeyeen ee ay ka qeybgaleen Axsaabta iyo Ururada siyaasada.

Doorashooyinkan ayaa noqday kuwo ay dhiig faro badani ku daateen oo qalaalse ka dhashayna ay ilaa iyo haatan taagan yihiin.

Caasimada Hargeysa ayaa kolkii u horeysay qalaase Doorashooyinka ka dhacay ay dad ku dhinteen,mana muuqato in ilaa iyo haatan ay wax xal ah arinkaa laga gaadhay.

Xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa dhagaha ka fureysatay cabashooyin iyo qalalaasaha ka dhashay Doorashooyinka.

Somaliland oo mudo dheer beesha caalamka ka iibineysay hanaaka Dimuqraadiyada in ay sal dhigatay dalka Somaliland ayaa haatan waxa muuqda in tacabkaasi noqanayo mid khasaaray hadaan talo Qaran laga yeelan habka Xukuumada iyo Guddida Doorashooyinka aan dhexda aheyni ay u maareynayaan natiijooyinkii ka soo baxay Doorashooyinka.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed