Doorashooyin laga Warwar qabo Qabsoomidooda iyo Korodhka Murashixiin u Taagan Golaha Cusub ee Wakiilada FAALADA SHABAKADA.
Hargaysa 07.Nov 2014 (SDN/QJ)- Waxaa Walaac xoogan laga qabaa qabsoomida doorashooyinka is barkan ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada oo ku mudaysan badhtamaha Sannadka soo socda ee 2015, Waxaa ilaa iminka lagu muransan yahay Xeerka Kaabista iyo Wax ka bedelka lagu sameeyay ee Codbixiyeyaasha kaas oo dhex heehaabaya Shirgudoonada labada gole ee Sharci dejinta “Guurtida iyo Wakiilada” Diiwaangelinta Muwaadinka ayaa si gaabis ah ku socota halka aanay fari ka qodnayn Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha doorashooyinka, Waxaa intaas ka sii daran in aanay Jirin Komiishankii Cusbaa ee Doorashooyinka oo u Xaniban qabsoomidii fadhiyada Golaha Wakiilada si loo ansixiyo.
Xogo hoose oo Shabakada Qurbejoog.com heshay ayaa Tilmaan ka Bixinaya Qodobka ugu Culus ee Xudun xidhka u ah Muranka ka taagan Wax ka bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Marka laga tago aragtiyaha Minqiyaaska ah ee la isku eedaynayo Wuxuu Khilaafkani dhamaantii ku soo aroorayaa qodob lagu kala afkaar duwan yahay kaas oo Sadex Jiho damacoodu ku sii hurinayaan hadal haynta dami weyday,Waa Qodob dhanka kale marka laga eego Nuxurkiisu yahay arrimo farsamo laakiinse lagu kala bixi karo .
Qodobkan sidee ayaa loo kala danaynayaa Muxuuse yahay Markaynu soo koobno waxa ay dhinacyada ay hawshani saamayso u kala doonayaan Sidan “Waxay Xukuumadu doonayso in natiijada liiska diiwaangelinta lagu soo saaro laba bilood ka hor maalinta doorashada” .
Mudanayaasha Muxaafidkuna waxay ku doodayaan in Lix bilood gudahood ka hor maalinta doorashada la soo saaro Liiska Codbixiyeyaasha,Tusaale ahaan hadii doorashadu qabsoomayso 26 June 2015 inta ka horaysa bisha ay rabto ha ku aado in Liiskaas la soo saaro waxay ka Cararayaan Wakhti in la asteeyo , Waana laba Kaadh oo dawladu Ciyaarayso”.
Geesta kale waxay Mucaaridku taagan yihiin in Lix bilood ka Hor Maalinta doorashada la shaaciyo Liiska Saxda ah ee Codbixiyeyaasha kuna dhawaaqaan Komiishanka Doorashooyinku, Waana Qodob dhamaan doorashooyinkii Somaliland ka qabsoomay ee diiwaangelinta watay ay ka Midaysnaayeen,Sida uu Xeerkan ugu soo baxay waxay tahay tan Mucaaridka.
Golaha Wakiilada oo Xildhibaanada Xukuumadu taageersani aqlabiyada leeyihiin ayaa Qaadacaadii fadhiyada golaha loo arkaa arrimaha dib u dhaca ku keenaya qabsoomida doorashooyinka, Sidoo kale Dawlada ayaa iska baraxday in Wixii Hakad ah ee Yimaada aanay Mas’uuliyadeeda lahayn isla markaana ixtiraamayso kala madax bannaananshaha Hay’adaha Qaran ee Distooriga ah inkastoo la dareensan yahay Lugta ay ku leedahay Khilaafkan.
Golaha Guurtida ayaa 15kii bishii April ee Sannadkii 2013dii uu Go’aamiyay in la is raaciyo Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada lana qabto 2015, Iyagoo Xiligaas soo Jeediyay in la qabyo Tiro Xeerkii lagu soo dooran lahaa Golaha Cusub ee Wakiilada Sidoo kale Kalfadhigii dhamaaday ee Golaha Wakiilada ayaa Taageeray Go’aankii ay sannad ka hor Guurtidu soo saartay ee lagu Midaynayo doorashooyinka iyadoo laga taxadirayo dhibaatooyinka iyo dhiig baxa ka dhasha doorashooyinka is daba jooga ah .
Ifafaalaha Muuqdaa Wuxuu inshaaro u yahay in Mudo Kordhin ay Guurtidu qallinka ugu duugi doonaan Madaxweynaha, Xisbiyada Mucaaridka ayaa Cod dheer ku sheegay in aanay aqbalayn Mudo kordhin danbe Waxay Shaaciyeen in hadii ay timaado ay Markii u horaysay Taariikhda Somaliland yeelan doonto laba Maamul amase in la soo dhiso dawlad wadaag ah oo dalka gaadhsiisa doorasho.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa 2012kii labada Gole ee Baarlamanka Cod kalsooni ka Muuqato kaga hor cadeeyay inaanu diyaar u ahayn in hal maalin loogu daro marka uu Mudo Xileedkiisu dhamaado,hasa yeeshee waxaa taas loo arkaa afgobaadsi, Marka laga shiidaal qaato Wakhtiga Kooban ee ka dhiman Xil haynta Madaxweynaha iyo sida aanay Suurto gal u ahayn qabsoomida doorashadu.
Dhanka kale Waxaa Suuqyada Siyaasada ku soo Kordhaya Xubno shaacinaya inay Murashixiin u yihiin doorashada Golaha Wakiilada, Intooda badani kama Muuqato astaamaha ay samaysteen Calaamada Xisbiga ay ka sharaxan yihiin, Waxay dad badani u arkaan Xeelad lagu kala Macaashi doono,Iyadoo ay doorashadii deegaanka dhacday Xubno tiro badan oo shaaciyay inay u sharaxan Yihiin Golayaasha Deegaanka ee Magaalooyinka hasa yeeshee Mudo yar kadibna ku dhawaaqay inay uga tanaasuleen damacoodii shakhsiyaad Midkasta oo kuwaas ka mid ahi beeshiisu wadato isagana la siiyo wixii dhaqaale ah ee ka baxay.
Gunaanad laba arrimoodba waa lagu soo afjari karaa Khilaafka ka jira Golaha Wakiilada ee ka dhashay Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyaha waa ka Kowaade in Gudoomiye C.raxmaan Cirro iyo Mudanayaasha ka soo horjeedaa ay isugu Yimaadaan fadhi,Gudoomiyuhuna u hogaansamo dalabka ay dabada ka riixayso Xukuumadu inkastoo dadka Siyaasada odorosaa ay taas u arkaan Mid aanu Gudoomiye C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro yeelayo, Maadaama ay Saamayn taban ku yeelan karto hankiisa Siyaasadeed, Hasa Yeeshee Waxaa ugu fudud inuu Xalku ka iman karo Gudoomiyaha Golaha Guurtida oo Xildhibaanada Guurtida isugu Yeedha Kalfadhi aan Caadi ahayn,Qabyo tirna ku sameeya Qodobada Muranku ka taagan yahay.
Hargaysa SDN/QJ