|

Doorashadii Madaxweynenimo ee Mareykanka ooberito loo dareerayo iyo Fursada Obama oo wanaagsan

Washington Nov 05 2012(SDN)-Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama iyo ninka xilka kula tartamaya Mitt Romney ayaa ilaa shalay waday gunaanadkii ololihii madaxtinaimada.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa dadka dhawr gobol oo tartan adagi uu ka jiro oo uu isku maray waxa uu ku boorinayay in dalka aan dib loogu celin siyaasadihii burburiyay sumcadii iyo dhaqaalihii Mareykanka.

“Waxa uu Romney iibinao ma aha isbedel ee waa qorsheyaashii hore ee fashilmay,waanu naqaanaa muqaalka isbedel dhaba,waxa uu wadaana ma aha isbdel”ayuu iri Obama mar uu Ohio dad kula hadlayay.

Mitt Romney oo qudhiisa dhawr gobol isu maray ayaa ku cel celinayay in loo baahan yahay in dalka la badbaadiyo oo dhabe cusub loo jeexo.

Romney ayaa ku eedeeynayay madaxweyne Obama in afartii sano ee ina dhaaftay uu xaalada uga sii daray.

Waxa si isdaba joogau soo baxayay xogaha codadka hore dadku u bixiyeen oo u muuqda in madaxweyne Obama uu helayo intooda badan.

Tirakoob ay sameysay CNN TVga la yidhaahdana waxa lagu sheegay in dadka intiisa badani uu qabo in Obama dib loo dooranayo.

Balse kolka Mareykanka Gobol walba la tira koobo waxa muuqda in musharixiintu jiq isku yihiin oo min 49% ay heystaan.

Si kastaba waxa la sugaaba waa maalinimada Talaaadada iyo kala baxa codeynta musharixiintan bilaha isdaba socday.

SDN-Washangton

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed