“Doorashada Suuriya waxay muujinaysaa saamaynta Bashaar Al Asad iyo Fashilaadda siyaasadda Maraykanka ” Washington Post
Washington 07.June 2014 (SDN/QJ)- Wargayska washington Post ee carriga Maraykanka ayaa Todobaadkan dhamaadkiisii waxa uu daabacay in doorashadii Madaxweynanimo ee ka qabsoontay qaybo ka mid ah suuriya ay fariin adag u tahay awoodda uu weli haysto Bashaar al Asad, taasoo banaanka soo dhigaysa fashilaad ku timid siyaasadda Maraykanka ee ku aaddan mashaqada ka aloosan dalka suuriya iyo qorshayaashii maraykanku ku doonayeen inay xukunka kaga tuuraan Madaxweyne Bashaar Al asad
Washington Post waxa uu leeyahay ka bacdi muddo sadex sano oo nadaamka Bashaar al asad uu waday tacadiyo iyo burburin uu kala hor yimid dadkii ka cabanayey maamulkiisa, cabashooyinkaa oo markii dambe u gudbay dagaal sokeeye, doorashooyinkan dhacayna ay muddo todoba sanadood ah oo kale fursad u siinayaan inuu sii dhisnaado nadaamka hadda ka jira Suuriya ayaa taasi waxay ka hor imanaysaa qorshayaashii Madaxweyne Obama ee uu sanadkii 2011 kaga dalbaday Bashaar Al Asad inuu xukunka ka dego.
Wargayska washington Post waxa uu sheegay in xiligan Bashaar al asad uu ka awood badan yahay sidii uu ahaa labo sanadood ka hor, isagoo taageero joogto ah ka helaya dalalka Iran iyo Raashiya oo ay wehelinayaan maleeshiyaad mutadawiciin ah oo ka kala yimid dalalka Ciraaq iyo Lubnaan, taageeradaas oo Bashaar u suuro gelisay inuu dib uga saaro mucaaradka deegaanadii badhtamaha wadanka ahaa ee ay qabsadeen muddo haatan laga joogo labo sanadood.
Washington SDN/QJ
contact@somalidiasporanews.com