Doorashada Puntland Oo Kaabiga Inagu Haysa, Duruufaha Ku Xeeran Iyo Werwerka Shacabku Ka Qabaan Inay Saamayso Nabadgelyada ay Haystaan
Garowe:31-Dec-2013(SDN)-Marka laga Yimaaddo Dhismaha Dawladda Laga Sugayo Ra’sal Wasaare Saacid, Arrinka labaad ee Somalidu ugu hadal haynta badan tahay waa Doorashooyinka la filayo inay Horraanta sanadkan ka qabsoonto Maamulka Puntland oo aan Sansaankeedu wanaagsanayn.
Intii muddo ahayd waxa Magaalooyinka waaweyn ee Deegaamada Puntland ka socday Olole ay wadeen Musharixiin u taagan xilka madaxweynenimo, kuwaas oo u badan qurbejoog, tiradooduna ka Badan tahay Labaatan nin, waxana ay Gelelefeen guud ahaan shacabkii Reer Puntland oo markii hore nolol degen ku noolaa, iyadoo meelo badan isku dhac in la is rasaaseeyo gaadhay uu ka dhacay.
Dhibaatooyinka haatan jira ayaa waxa ugu weyn in badiba musharixiinta u taagan xilka madaxweynenimo ay ka cabanayaan in la dul dhigay ciidan hoganaya goobaha ay degen yihiin, waxana ay arrintaas dusha ka saareen Madaxweyne Faroole oo isagu sidoo kale ah musharax xilka doonaya inuu ku soo noqdo.
Wali waxa ay dadku ka warwarsan yihiin Hubaal La’aan dhinaca ammaanka ah, waxana sii kordhaya kala fogaanshaha xukuumadda iyo Isimida dhaqanka oo iyagu marjac u ahaa muran kasta oo yimaadda marka la joogo Puntland.
Qaar ka mid ah Musharixiinta ayaa dalka dibediisa ku maqnaa muddo 22-sanno ka badan waxaana jirta in Mushariixinta Madaxweynaha Puntland ay badidoodu kasoo jeedaan hal reer, arrintaasoo dhabarjab ku ah barnaamijkii dhicisoobay ee Xisbiyadda badan,si looga gudbo nidaam-beeleedkii 1998-kii la dhisay.
Doorashooyinkii hore ee Puntland ee sanadihii 1998-kii, 2005-kii iyo 2009-kii iyo tan soo socota ee Doorashada 2014, waxa jira mugdi badan oo soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Musharixiinta, waxana ay taasi dadweynaha Gelisay Warwar ah in Lagu dagaalami karo Natiijada Dambe ee soo Bixi doonta.
Sidoo kale Musharixiintu Waxay Faroole ku eedeeyeen inaanu cidna kala tashan gudiga uu ku dhawaaqay, haddii ay ahaan lahayd Mushaixiinta amaba Isimada, Madaxweynuhuna wuxuu dhankiisa sheegey iney Dastuuri tahay in Madaxweynuhu Magacaabo Gudiga.
Musharixiinta iyana dhankooda waxay soo bandhigeen Gudiga Khilaafaadka iyagoon la tashan Madaxweynaha , waxaana halkaas ka bilowdey khilaaf iyo Qorori Qori ku tag.
Doorashadii hore ee 2009 waxaa jirey khilaaf noocaan ah, waxaana Khilaafkaas Xaliyey Cabdullahi Yuusuf oo xiligaas ahaa Madaxweynaha Soomaaliya, lakiin Su’aalaha hadda taagan oo Dad badan iswaydiinayaan waxay yihiin, yaa Xalinaya khilaafka u dhexeeya Faroole iyo Musharixiinta?, Mise Xalkii Cabullaahi Yuusuf uu ku xaliyey khilaafkii 2008 ayaa la tixraacayaa?, mise Xalkalaa la sugayaa?
Wareegto uu soo saaray Faroole oo ka hadlaysay Xildhibaanada cusub waxaa ku cadaa in kulanka u horeeya ee Xildhibaanada cusub uu dhici dooni 1 Janaayo 2014, Doorashada Madaxweynuhuna dhacayso 8 janaayo, lakiin waxaa hada soo baxaya daldaloolo badan, waxaa jir khilaaf ka dhex taagan Beelaha Qaarkood kuwasoo ku muransan Kuraasta Baarlamaanka.
Waxaa jira Beelo reer Puntland ah oo aan waligood Qayb u helin kursi Xildhiban ama qaarkoodna ay qadeen kalkii hore, kusoo kalkaan raba cadkooda ama Tookadooda, Beelihii horey kuraasta u lahaa iyana ma doonayaan iney qadaan.
Waxaa iyana muran xoogan ka taagan yahay 17 ka kursi ee labada Gobol Sool iyo Ceyn, Isimada soo saxeexi lahaa kuraastaa waxay badan koodu qaylo dheer ku sheegeen ineysan soo saxiixayn Xildhibaan dambe, Way jiraan Xildhibaano ay beelohodu diyaar u yihin saxiixa laakiin ma badna, ilaa hada ma jirto dhinaca Xukuumada, Murashaxiinta iyo Isimada kulan laga yeeshey arinta 17 Xildhibaan ee Gobolada Sool iyo Ceyn.
Shacabka reer Puntland oo iyagu ku soo caano maalay Degenaansho iyo Nabad, ayaa haatan qaba warwar ah in Nabadooda ay Khalkhal geliyaan Musharaxiin Ka soo Doolay qurbaha, waxana aan muuqanin cid mudakar ah oo Hadii uu khilaafku xoogaysto loo yaaco dhinacooda.
S.D.N