Doorashada Maamulka Ximan & Xeeb oo la shaaciyay waqtiga laqabana doono
Cadaado May 20 2013 (SDN)– Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Maamulka Ximan Iyo Xeeb Maxamed Cabdullaahi “Dhage Cade” oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ayaa waxa uu shaaciyay xiliga ay bilaabaneyso araaji qabashada musharixiinta u tartamaya madaxtinimada maamulkaasi.
Maxamed Cabdullaahi “Dhage Cade” ayaa sheegay in gudiga doorashooyinka madaxtinimada Maamulka Ximan Iyo Xeen ay isla garteen in Sabtida soo socota Taariikhduna tahay 25-5-2013-ka ay bilaabato araaji qabashada, isagoona xusay in araaji qabashada ay ku egtahay Jimco 7-6-2013-ka.
Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Maamulka Ximan Iyo Xeeb Maxamed Cabdullaahi “Dhage Cade” ayaa sidoo kale sheegay in doorashada maxtinimada Maamulka Ximan Iyo Xeeb ay dhici doonto Isniin 10-6-2013-ka, waxa uuna gudoomiyaha gudiga doorashooyinka madaxtinimada Ximan Iyo Xeeb uu soo ban dhigay shuruudaha laga doonayo qofka u tartamaya madaxtinimada maamulkaasi, isagoona tilmaamay in qofka u tartamaya jagada madaxtinimada Maamulka Ximan Iyo Xeeb laga doonayo bixinta lacagta diiwaan gelinta oo gaareysa $ 3,000.
Dhawaan ayaa waxaa la filayaa in doorasho madaxtinimo ay ka dhacdo magaalada Cadaado, taasi oo lagu soo dooranayo madaxweynaha cusub ee Maamulka Ximan Iyo Xeeb.
SDN-Cadaado