|

“Doorashada Maalin lagu dari maayo,haddii Doorasho la qaban waayo talaabooyinkii ku xigay waa noo diyaar” Gudoomiye Cirro

Hargaysa 05.Nov 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI sida oo kalena ah guddoomiyaha Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa marka kale waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaha ay muddooyinkii danbe u soo jeedinayeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE ugu jira Aqalka Golaha Wakiilada oo sheegayey in uu wax ka badal ku sameeyey xeer bishii hore laga ansixiyey Golaha oo guddoomiyaha Golaha Guurtidu dib u soo celiyey,waxaana uu sheegay in uu shacbiga reer Somaliland uu u iftiiminaayo in waxa laysku hayaa aanay ahayn Xeer balse ay tahaybaa uu yidhi Muddo kordhin.waxaana uu carabka ku dhuftay in ay ka Xisbi ahaan aanay marnaba aqbali doonin in ay Doorashadu ay wakhtigeedii dib uga dhacdo,waxaana uu sida oo kale tibaaxay in ay diyaar u tahay talaabada ay qaadayaan haddii Doorashadu ay dib u dhacdo.

cirroMd:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxaa uu sheegay in dib u dhac ku yimaada Doorashadu uu sababi doono dib u dhac ku yimaada Ictiraaf raadinta dalka,waxaana uu sida oo kale uu carabka ku dhuftay in ay Somaliland saaxiibo badan oo bulshada caalamka ah ay kuwaayi doonto,isaga oo sida oo kalena tibaaxay in beesha caalamku aanay marnaba ogalayn dib u dhac ku yimaada Doorashada.

“Baryahan danbe waxaa aad Saxaafada aad aad uga maqalasayseen eedayn lay soo jeedinaayo gaar ahaan guddoomiyaha Golaha Wakiilada,waxaan shacbiga u xaqiijinayaa eedayntasi in aanay ahayn mid jirta,waxaan mar labaad aan u xaqiijinayaa in aanay eedayntaasi ahayn wax jira,madaxda waa la xag xagtaa,markaa meesha aynu ku soconana waa ay garanayaan xag xagashaduna waa ay iska badan doontaa,haddii Illaahay ka dhigo,guddoomiyaha golahu xeerarka isagu ma qoro,golahu waxaa uu isagu leeyahay waaxyo gaar ah,oo hawshaas u qaabilsan,xeerarkuna waxaa ay maraan jaran jarooyin iyo nidaamka, sidii ay xeerarkii hore u mari jireen,kan hadda muranka la galiyeyna jaran jarada saxda ah ayuu mari doona,Labada gole ayaa uu u mari doona,hadana waxaa uu layaala Golaha Guurtida,waxan rajaynaynaa marka ay ka soo gutaan waajibkooda,in golaha wakiiladuna uu dhamaystiro haddii Illaahay ka dhigo.Umada waxan u sheegayaa aniga iyo Labada guddoomiye ku xigeen ee Mudane Baashe iyo Mudane Cali khilaaf naga dhaxeeya ma jiro,waxaad moodaysaa khilaaf la abuurayo in uu yahay,Xildhibaanadana waxba kama dhaxeeyaan,waa Xildhibaano isku gole ah,oo walaalo ah,haddii dhanxiirka laga dhex saaro,waxba kama dhaxeeyaan,”.

Md:Cabdiraxmaan Cirro oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“walaalayaal waxaan shacbiga u sheegayaa waxa la isku haysto in aad fahamtaan ayaa loo baahan yahay waayo idinka ayaa naga faham badan,idinka ayaa naga Siyaasiyiin ah,waxaa laysku haystaa maaha Xeer waa muddo kordhin,dagaalka ka dhex socda Golaha Wakiiladu waa Muddo Kordhin,dagaalka ka socda Marfashyadu waa Muddo kordhin,shacbiguna ma ogala muddo kordhin,miyaad ogashiin,Maya soo maaha beesha Caalamkana anaga ayaa ka nimi oo ma ogala muddo kordhin,dib u dhaca Somaliland Ictiraaf la’aanteeda,waxaa keeni kara Doorashada oo wakhtigeedii la qaban kari waayo iyo dib u dhac ku yimaada,waxaana ay noqon doonta doorashada la qaban kari waaya in ay Somaliland dhaawac wayni ka soo gaadho,mujtamaca dawliga ah ee ay Saaxiibka latahayna ay Saaxiibo badan ku waydo”.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,waxaa kale oo uu sheegay in aanay marnba ka Xisbi ahaan aanay aqbali doonin in Doorashadu ay hal maalin ay wakhtigeedii dib uga dhacdo,isaga oo tibaaxay in ay diyaar u tahay talaaabada ay qaadayaan haddii dalka Doorasho laga qaban waayo.

“Siyaasada Xisbiga WADDANI waad ka warqabtaan oo waxa weeye in aan maalin qudha lagu darin doorashada,Doorashada maalin lagu dari maayo,haddii Doorasho la qaban waayo talaabooyinkii ku xigay waa noo diyaar”Ayuu yidhi Md:Cirro

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxaa uu sida oo kale uu sheegay in bad baadada iyo jiritaanka Somaliland ay kala wayn tahay damaca ka haya Kursiga Madaxweyne nimada.”Waxaan jecelahay in aan hal kalmad aan naftayda ka idhaahdo aniga oo ah guddoomiyaha Golaha Wakiilada,aniga oo ah guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,waxaan shacbiga reer Somaliland aan u sheegayaa oo u cadaynayaa in Kursida Madaxnimada ee aan rabo ay igala wayn tahay jiritaanka Somaliland,waxaa kursiga Madaxweynenimada ee aan doonayo igala wayn badbaadada Somaliland,Kursiga aan ku fadhiyo ee Golaha wakiilada waxa igala qaalisan,oo igala wayn,bad baadada iyo jirtanka Soomaliland,waxaan diyaar u ahay horena aan diyaar ugu ahaa oo aad ka warqabtaan in aan diyaar u ahay talaabo kasta oo qaranimada Somaliland lagu badbaadinaayo”Ayuu yidhi Md:Cirro

Cabdiraxmaan Cirro waxaa uu sida oo kale uu si kulul u cambaareeyey xadhiga loo gaystay Xubin ka tirsan guddida fulinta ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo ahaa Xoghayahii Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga WADDANI Md:Xasan Goodaad oo ay Xukuumadu dhawaan xidhay, sida oo kale wariyeyaasha ka kala hawl gali jiray Talefeeshanada Horn Cable iyo Somsat ee Magaalada Gabiley,iyo sida oo kale Caaqil Axmed Daahir o isna Boorama lagu xidhay,waxaana uu Xukuumada ugu baaqay in muwaadiniinta Xidhan si dag deg ah xoriyadoodii dib loogu soo celiyo.

“Waxaan si kulul u cambaaraynayaa xubin ka tirsan gudida fulinta Md:Xasan Goodaad oo loo xidhay sifo sharciga khilaafsan,iyada oo aan wax waaran ah loo keenin,waxa la yaabkii waxa weeye waxa loo diiday Looyarkiisii in uu la kulmo,waxaa loo diiday eheladiisii,caruurtiisii,iyo Xaaskiisii.waxaa kale oo loo diiday masuuliyiintii Xisbiga Tolow Maxaa dhacay!!!?.Waxaanu ugu baaqaynaa Xukuumada anaga oo sida ugu adag u cambaaraynayna walina ma cada cid eed u soo jeedisay oo eedaysay ama eed u sheeganaysa oo soo ashka taysay.Markaa waxaan u soo jeedinaynaa Xukuumada in si deg dag ah xoriyadiisii  masuulkaas sare ee ka tirsanaa Xisbiga WADDANI oo ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga WADDANI,waxaan kale oo u soo jeedinaynaa Xukuumada in ay faraha ka qaado oo ay Xoriyada u soo celiso Suxufiyiintii lagu xidhay gobalka Gabiley oo dambiga ay sameeyeena waxaa uu ahaa war ayaa ay si sax ah ay u soo tabiyeen,kaasina dambi maah.Waxaa kale oo lay sheegay in la xidhay Jiif Caaqil Axmed Daahir Ciisood Hurey oo lagu xidhay magaalada Boorama isaga oo u jawaabay badhasaab ku xigeenkii gobalka Awdal,waxaa kale oo jirtay in maal mahanba ay socotay isu jawaabid ay dumar fara badan iyo odayaal kale ay Tv-yada ka hadlayeen oo waxay u jawaabayeen Xildhibaan Cali Aareeye,waxaana ay u jawaabayeen Xildhibaanada WADDANI haddi Xildhibaanada ama masuuliyiinta KULMIYE wax laga sheegana waa la xidhayaa dadka,xadhigu dadka waxba ka qaadi maayo waxii ay doonayaan ka joojin maayo,hadafkoodana ka joojin maayo,waxaanan ugu baaqayaa dhamaanba Xukuumada in muwaadiniintaa la xidhay loo soo celiyo Xoriyadooda”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Cirro

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo sida oo kale hadalkiisa wata ayaa waxaa kale oo uu ka hadlay dhacdadii Doraad ka dhacday magaalada Wajaale ee dabku khasaaraha ba’an uu soo gaadhsiiyey qaar ka mid ah ganacsatada dagmada Wajaale,waxaana uu yidhi:”Gabiley waxii ka dhacay waa aynu ka wada dharagsanayn,shalayto(Doraad) waxii Wajaale ka dhacayna waa aynu wada ogayn,Shacbigu waxaa ay ka gadoodeen waa magaalo ganacsiga Somaliland-ee Xisbiga WADDANI waxaa uu u balan qaaday in ay noqoto Xarun ganacsiyeedka Somaliland,waa hantidii Somaliland halkay isagu tagtay,shacbigu waxaa ay yidhaahdeen intaas oo goor ayaa lacagtii gaadhi damdamis ah aanu ururinay oo keenay oo hada lacagta iyaga ayaa bixiyey,gaadhigii ayaa ay wali la’yihiin,maalin walba waa ay gubataa meeshu,waxaa ay ka cabanayeen maamul xumo,waxay ka cabanayeen gaadhigiii ay lacagtiisa bixiyeen oo loo soo iibin waayey,waxaa ay ka cabanayeen garoomadii ay dhalinyaradu ku ciyaari lahayd oo la bixiyey oo la dagay,waxaa ay ka cabanayeen cashuurtii faraha badnayd ee ay bixiyeen oo wax loogu qabto ay garan waayeen,Inkasta oo intaasi ay meel walba ka jirto oo meel walba waa ay ka jirta”.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed