Doorashada Dhamaan Goobahii Loo Qoondeeyey Way Ka Dhacaysa Waxanu Guntiga Dhiisha Isaga Dhigayna Sidii Aanu Nabadgelyada U Sugi Lahayn Wasiirka Daakhiliga
Hargeysa 20-11-2012 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay shaqayndoonaan hadh iyo habeenba taasi oo qayb ka ah adkaynta nabad gelyada mudada kala guurka doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee dhawaan ka qabsoomayaa Guud ahaanba Dal
Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Maxamed Nuur Caraale Duur oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeya ayaa waxaa hadaladiisi ka mid ahaa “Doorashadu waxay ka dhacay dhammaan goobihii loo qorsheeyay, waxaanu gunta dhiisha isaga dhigi doona sidii aanu ammaanka u sugilahayn, annagoo shaqayn doona wiigan doorashada ka hadhay iyo ka doorashada ka danbeeyaba hadh iyo habeen, kuna sugnaan doono xafiisyadayada.
Hadalka Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa noqonaaya mid jawaab u ah dhawaaqyo ka soo baxaayay Ururada iyo Xisbiyada qaar, iyadoo hadalka Wasiirka nuxurkiisu u dhadhamaayo inay heegan yihiin dhammaan laamaha amni ee waddanku.
www.Qurbejoog.com Hargeisa Office