DOONI uu lahaa Muwaadin Reer Laasqorey Ah Oo Dad Reer Berbera Ahi u Gubeen Sifo Fadeexad Ku Ah Shacabka Gobolka SAAXIL
Berbera, 8 March, 2016-(SDN/QJ): – Laba Xildhibaan oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doorto Deegaannada Bariga Gobolka Sanaag, ayaa ka hadlay Doon weyn oo Habeenkii Ciidammada Ammaanku soo qabteen Dableydii Dishay Taliyihii Booliiska Saaxil Dad cadheysan ku gubeen Xeebta Magaalada Berbera.
Doontan oo lagaga shaqeynayey meel u dhow Dekedda Berbera, ayaa waxa Dab-qabadsiiyey qaar ka mid ah Dadweynaha Reer Berbera oo la sheegay inay Gadoodeen habeenkii la soo qabtey 8-dii Xubnood ee ka midka ahaa Dableydii ku eedaysnaa Dilka Taliyihii Booliiska Gobolka Saaxil, iyaga oo moodayey in Xubnaha la soo qabtey qaarkood Ciidanku laayey isla-markaana doonayey inaan Maxaabiista kale aan la dhaafin Magaalada Berbera.
Dadka Gadooday oo sidoo kale Rabshado Khasaare Hantiyeed ka dhalatay ka sameeyay Gudaha Magaalada Berbera, ayaa Doontan oo uu leeyahay Ganacsade ka soo jeeda Deegaanka Laasqorey gubay, iyaga oo moodayey inuu Doonta leeyahay Nin ka Wakiil ahaa oo ay isku deegaan ahaayeen Taliyihii la dilay.
Gubashada Doontan oo ah Hanti uu leeyahay Muwaadin Ganacsade ah isla-markaana muddadii ay shuf-beelaysay aan wax gurmad ah loo dirin, ayaan waxaan ilaa hadda ka hadal Maamulka Gobolka Saaxil, Maamulka Dekedda Berbera iyo Xukuumadda Somaliland inteeda kale.
Xildhibaan Bulqaase iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doorto Bariga Gobolka Sanaag oo Shalay si wada jir ah ula hadlay Saxaafadda, ayaa faahfaahiyey sida Doontaa loo gubay, iyaga oo baaq u diray Xukuumadda iyo Waxgaradka Beesha Taliyihii la dilay oo iyaga dartood loo gubay Doonta, maaddaama oo la moodayey inuu Mulkiyaddeeda lahaa Qofka ka Wakiilka ahaa oo ay isku deegaan yihiin Taliyihii la dilay Allaah ha u naxariistee.
Xildhibaan Bulqaas oo hadalka ku horeeyay, ayaa yidhi, “Dad ka cadheysan soo qabashada Dableydii dishay Taliyihii Qaybta Booliiska Saaxil isla-markaana diidanaa in la gudbiyo (Jeelka loo gudbiyo), oo kacdoon sameeyay Saqdii dhexe ee Habeenkaa Dableyda la soo qabtay, ayaa gubay Doon weyn oo 400 tan ahayd oo Shaqo dhanka Gacanta ah lagu waday oo taallay Xeebta Berbera oo uu masuulna ka ahaa Nin ka soo jeeda Deegaanka Taliyihii la dilay, iyadoo Dadka Gadooday u aaneynayaan Beesha Taliyihii la dilay.”
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Doontaasi waxay gubanaysay Afartii Habeennimo illaa Barqadii Maalintii dambe, laakiin wax gurmad ah oo Maamulka Dekedda iyo Xukuumaddu u fidiyeen ma jirto Doontaa la gubay oo waa la iska indho-tiray, Doontaasina sidaas ayay ku shuf-beeshay. Sidaa daraadeed, Doontaa gubatay oo ah Hanti uu leeyahay Nin Ganacsade ah oo ka soo jeeda Laasqoray waxaanu u daba fadhinaa Xukuumadda, Madax-dhaqameedka iyo Waxgaradka Beeshii Ninka ka masuulka ahaa Doonta oo ay isku qolo ahaayeen Taliyihii la dilay, maaddaama oo aan Doonta loo gubin Warsan-geli ahaan ee loo gubay oo loo maleeyay inay lahaayeen Beesha (Taliyihii dhintay).”ayuu yidhi Xildhibaanku.
Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud, oo isaguna Shirka jaraa’id ka hadlay, ayaa yidhi, “Doontaa waxa lahaa Ganacsadaha Cali Ducaale Maxamuud oo ah Ganacsade Reer Somaliland ah oo ka soo jeeda Laasqorey, markaa waxaanu doonaynaa in haddii Hawshaasi dhacday laga hawl-gallo.”
Dhanka kale, Xidhiidh aanu la samaynay Maamulka Dekedda Berbera si aanu wax uga waydiinno waxay ka ogaayeen gubashada Doontaasi ayayna noo suurto-gelin inaanu helo.