|

Dooni ganacsato Soomaali ah u rarneyd oo ku dagtay xeebaha Maamulka Puntland

Muqdisho Dec 25 2012 (SDN)— Wararka ka imaanaya deeganada maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku dagtay doon u rarneed ganacsato Somaali ah taasi oo kusii jeeday magaalada Muqdisho.

Sida u warbaahinta usheegay Wasiirka kaluumeysiga iyo qeyraadka bada ee maamulka Puntland Eng. Maxamed Xaashi doonta ayaa ku dagtay xeebaha Gobalka bari.

Wuxuu sheegay in doonta laga leeyahay dalka Pakistaan ayna kasoo ambabaxday dalka isugu taga imaaraadka carabta kuna sii jeeday magaalada Muqdisho.

Sababta doonta ay udagtay ayuu sheegay inay tahay bada oo aad ukacsan xilli dabeylo laga digayo xeebaha Gobalka Bari islamarkaana wuxuu ganacsatada Somaaliyeed ugu baaqay in ilaa iyo beri aysan doon badda soo gelin.

Wuxuu sheegay inay horay uga digeen arintaasi Dowladda Soomaaliyana ay ka digtay balse aysan dadka taxadar dheraad ah ka yeelan.

Doonta maanta dagtay ayaa waxa ay noqonaysa tii ugu horeysay ee dagta tan iyo markii maalmo kahor laga digay in xeebaha bari ee dalka Soomaaliya ay ku dhufan rabaan roobab dabeylo wata.

 SDN-Muqdisho

Comments are closed