|

Doodii xilka Madaxweynenimo ee Mareykanka oo barbaro ku dhamaatay,iyo Romney oo ka gudbay caqabad

Denver Oct 04,2012(SDN)-Labada Musharax ee ku tartamaya xilka madaxweynenimo ee dalka Mareykaka Madaxweyne Barack Obama iyo Mitt Romney ayaa xalay yeeshay doodoodii u horeysay oo dunida dacaladeeda laga daawanayay.

Labadan musharax ayaa hore u kulmay uun sadex jeer xalay horteed,madaxweyne Obama ayaa lagu waday in uu ka dood wanaagsanaado Romney balse sidaa u mey dhicin.

Madaxweyne Obama ayaan wakhti badan isaga lumin ka hadalka odhaahyo isburinaya oo hore uga soo yeedhay Mr Romney.

Madaxweynuhu waxa uu u muuqday ruux guul isa siiyay oo aan dooneyn in uu khaladaad sameyo.

Ka muu hadal dhabaha Mareykanku qaadi doono hadii Romney xilka ku guuleysto,waxaanu tusaalooyin ka bixinayay uun qorsheyaashiisa mustaqbalka.

Halka Romney uu dareensanaa in hadii xalay laga badiyo dooda in tartanku halkaa ku egyahay.

Waxaanu weeraro isu dabadhigay Obama iyo qorsheyaashiisa uu ku soo hagayay Mareykanka iyo kuwa uu iminka damacsan yahay.

Mr Romney ayaan wax cadeymo ah raacin qorsheyaashiisa miisaniyadeed,waxase uu soo bandhigayay balan qaadyo hor leh oo aan xisaab la socon.

Waxaad moodaa in tartanku uu haatan galay marxalad hor leh oo ay labada musharaxba haatan u siman yihiin tartanka.

Obama waxa uu ahaa ruux sawir ka bixinayay labada musharax iyo dhabaha ay damacsan yihiin in ay qaataan.

Halka Romney uu ku soo talo galay in uu madaxweynaha dhaleeceeyo qorshe walba uu soo bandhigay.

SDN-Denver

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed