|

Doodii Xeerka Amniga Madaarada oo la soo Gabo gabeeyay iyo Madaxweynaha Siilaanyo oo beri Khudbadii Distooriga ahayd ka jeedin doona fadhi labada gole leeyihiin.

Hargaysa 29.Jan.(SDN)  Golaha wakiilada Somaliland  ayaa fadhigiisi maanta oo u shir gudoominaya gudoomiyaha golaha wakiilada md  C.raxmaan Maxmaed C\laahi oo ku soo gaba gabeeyey doodii  xeerka  Takaaliifta  aminiga madaradda  oo ay Todobaadkab ku guda jireen.

Mudanayaasha Golaha Wakiilada Maalmahan Dambe ku Guda Jiray Doodaada Ku saabsanayd Xeerka Takaaliifta Amniga Madaarada,kuwaa oo ku Kala duwanaa Sidii Xukuumada u ay Golaha Ugu Soo Gudbisay Xeerkan.

Mudanayaasha Qaarkood ayaa Soo jeediyay in Xeerkan Wax ka bedel Lagu sameeyo oo La Waafajiyo Dastuurka Qaranka,Halka Kuwa kalena ay ka soo jeediyeen in  Sidiisa Lagu Meel Mariyo Xeerkan, oo Wax weyn Laga Qabanayo Amniga Madaarada.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa Gebagebadii Fadhigaasi Mudanayaasha Ku wargaliyay in Todobaadka Soo socda Goluhu Ansixin doono,Xeerarka kala ah:

1.     Xeerka Takaaliifta Amniga Madaarada.

2.     Xeerka Wada Marista iyo

3.     Xeerka Hab Maamuuska Madaxweynaha iyo Ku Xigeenkiisa.

 

Geesta Kale,Waxa uu Gudoomiyuhu Mudanayaasha Ku wargaliyay In Maalinta Bari Madaxweynuhu ka Horjeedin doono Khudbad Sanadeedka Labada Kun iyo Sedex iyo Tabanka Fadhi wada jir ah oo ay Yeelan doonaan labada Gole,ee Wakiilada iyo Guurtada.

Khudbad Sannadeedka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,oo noqonaysa tii Sadexaad ee uu ka hor jeediyo labada Gole ee Sharci dejinta  ayaa la filayaa inuu ka hadlo waxqabadkii Xukuumada u hirgalay sannadkii tagay,qorshaha ku talo gal ee sannadkan aynu ku guda jirno,arrimihii doorashooyinka iyo Xanaftii ka dhalatay,hadalka ka soo yeedhay dawlada Ingiriiska,Wada hadalada Somaliland iyo Somalia iyo arrimo kale.

 

Hargaysa SDN.

 

Comments are closed