Doodii kama danbeysta aheyd iyo Obama oo xilkiisa xejistay
Raton,Florida Oct 23,2012(SDN)-Madaxweynaha Mareykanka iyo ninka xilkiisa ku socda ee Mitt Romney ayaa xalay yeeshay doodii sadexaad ee kama danbeysta aheyd oo looga dooday siyaasada arrimaha dibedda.
Madaxweynaha Mareykankaayaa doodan sadexaad u muuqday in uu si weyn uga soo kabtay arbushkii Romney ee doodii u horeysay ee ay labada nin yeesheen.
Obama ayaa xalay u muuqday nin u qalma in fursad kale loo siiyo afarta sano ee soo socota in uu hogaamiyo dalka Mareykanka.
Mitt Romney musharaxa xisbiga Jamhuuriga ayaa u muuqday nin ku qanacsan inta badan hogaanka siyasadeed ee Obama ee ku wejahan arrimaha dibedda.
Halka Obaama uu muujiyay in Romney aan lagu aamini kareyn hogaanka siyaasada dalka bacdamaa uu yahay ruux dagaal iyo qalaalse miciin bidaya.
Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Obama ayaa haatan inkasta oo tageeradu aad isugu dhawdahay hadana u muuqda nin xilkiisa sii xejisanaya.
SDN-Rayton
contact@somalidiasporanews.com