|

Doodda qaran ee Mucaaridka Oo Taageeradii ugu Weynayd Ka Heshay Gobolka Togdheer iyo Salaadiin ku Baaqay inay Gogosha Shirka Fidin Doonaan

Burco:03-Dec-2013(SDN)-Shirka Talo qaran ee Mucaaridka Somaliland ku Baaqeen ayaa Haatan ku Socda Xawaare Dheeraynaya, waxana uu Taageero Soo Kordhaysa ka Helayaa Gobolada iyo Degmooyinka Dalka.

odyGobolka Togdheer oo uu ka soo jeedo Madaxweyne Siilaanyo, ayaa haatan Noqday Gobolka loogu Hadal Haynta Badan yahay shirkan mucaaridku ku baaqay, waxana  dadweynaha intiisa Badani muujiyeen dareen ay ku soo dhaweynayaan shirkan.

Madax-dhaqameedka Gobolka Togdheer ayaa iyaguna badheedhahooda ka dhiibtay  Doodda Qaran, waxana ay Haatan soo Baxay salaadiin miisaan leh oo si Badheedh ah u taageeraya  shirkan.

Suldaan Maxamed Muuse Cune (Faarax-Dayr) oo ka mid ah madax-dhaqameedka gobolka Togdheer ayaa Shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu diyaar u yahay sidii shirka Doodda qaran loogu qaban lahaa Magaalada Burco, isla-markaana uu isagu waliba ugu fidin lahaa Gogosha lagu qaban doono.

Suldaan Faarax-dayr oo u warramayey qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa carrabka ku dhuftay inaanay jirin cid loo daba fadhiisanayo shirkan oo uu yahay xaq dastuuri ah oo aan la dafiri Karin. “ Waxaan umadda reer Somaliland gudo iyo debed-ba u sheegayaa Shirka Dooda Qaran in Burco lagu qabanaayo ,gogosheedana anaa fidinaaya ,waxaan kale oo aan umadda ku wargalinayaa ,qorba-jooga ,Culimadda ,ururadda bulshadda iyo waliba Xukuumadda in ay ka soo qaybgalaan.” Ayuu yidhi Suldaan Faarax-dayr.

Waxa uu Suldaanku u diray Xukuumadda Farrriin cad oo la xidhiidha Shirkan doodda qaran, isagoo tilmaamay inay taariikhda Madaxweyne Siilaanyo ku suntahay qabashada shirar Beeleed  oo Gar adag ka dhacay iyo qaar kan haatan uu diiddan hahay oo kale ah oo uu Hargeysa ku qabtay, waxana uu yidhi, “Waxa kale oo aan halkan ka cadaynayaa kuwa borobogaandada iyo dacaayadaha riqiiska ah faafinaaya ee ka dhanka ah Dooda Qaran ,adeer waxaan leeyahay Shir beeleedka aad sheegaysaan Somaliland cid ka qabata Siilaanyaa ugu horeeyay oo Gar-adag ku qabtay ,hadaad leedihiin Dood Qaran sharci maahana cid qabata Siilaanyaa ugu horeeyay oo Hargeysa ku qabtay ,haday qodobo kale oo sharciya haysaana bulshadda usoo bandhiga.”

Suldaan Faarax-dayr oo ah suldaan caan ka ah Gobolka Togdheer ayaa ka mid noqonaya Madax-dhaqameed iyo salaadiin badan oo si toos ah u taageersan shirkan doodda qaran, waxana ay taasi muujinaysaa in Gobolka Togdheer oo uu madaxweynuhu ka soo jeedaa taageersan yahay Shirka doodda qaran ee xukuumaddu diiddan tahay.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed