|

Doodaha ku xeeran u Magacaabida Fawsiya Xaaji Aadan wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya maxey ku saleysan yihiin(Qeybtii 1aad)

Torornto Nov 09,2012(SDN)-Intii ka danbeysay u magacaabidii Fawsiya Xaaji Aadan waxa isa soo tarayay mucaaradada in ruux masuul ah oo ka soo jeeda Somaliland loo magacaabo wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Soomaaliya.

Doodaha ka dhashay magacaabida ayaa isu dul saraan dhawr qeybood oo lababa dhan ka soo jeedaan isla markaana salka ku hayaan marin habaabin raqiisa iyo meel ka dhac maskaxda waxgaradka Soomaaliyeed.

Hadaba waxaanu door bidnay bal in aanu idin la wadaagno isla markaana dood ka furo in doodahan boodh isku qariska ahi ay salka ku hayaan arrimo u dan ah guud ahaan shacabka labada dhan iyo in ay qeyb uun ka ihiin siyaasadihii Jiqda ku siida ku saleysnaa ee Soomaalida dhankeey doonaan ha ku noolaadeene bartaa dhigay.

Taxanahan waxaanu ku eegi doona kuna qiimeyn doonaa hadal heynta kuwa taageeray magacaabida iyo kuwa qaadacayba.

Sidoo kale waxaanu eegi doonaa waxa ay siyaasiyiinta labada dhan uga dhigan tahay u magacaabida Fawsiya  Xaaji Aadan Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Soomaliya.

Ha moogaan qeybta 1aad ee u kuurgalka,filo goor dhaw.

SDN-Toronto

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed