|

Dood Cilmiyeed ku Wajahan Sida loola Tacaali karo Khatarta Xanuunka Jooniska oo Xarunta Jaamacada ALPHA lagu soo Khatimay

Hargasya 26.Sep 2013 (SDN)-Dood cilmiyeed hal maalin soconaysa lagagana doodayey khatarta iyo sida loola tacaali karo xanuunada uu joonisku ka mid ka yahay oo ay soo diyaarisay jaamacada ALPHA ee magaalada hargaysa ayaa maanta lagu qabtay huteel safari ee magaalada hargaysa.

dood cilmiyeedDood cilmiyeedkan ay soo qaban qaabisay jaamacada ALPHA ayaa waxa ka soo qayb galay gudoomiyaha jaamacada Alpha, hormuudka kuliyada caafimaadka ee Jaamacada iyo ardayda wax ka barata kuliyada caafimaadka ee jaamacadaasi.

Gudoomiyaha jaamacada ALPHA C/raxmaan Maxamed Maal oo goobtaasi ka hadlay ayaa ka waramay muhiimada caafimaadka iyo sida loogu baahan yahay in la helo bah caafimaad oo aqoon u leh khatarta xanuunada uu ka mid ka yahay joonisku, waxana uu ardayda kuliyada caafimaadka ee jaamacada ALPHA uu kula dardaarmay inay aqoonta ay barteen ay dadkooda ugu adeegaan si ay daacadnimo ku dheehan tahay waxana uu gudoomiyaha jaamacada ALPHA uu sheegay in natiijada doodcilmiyeedkan ay soo bandhigi doonaan.

Gebegebadii kulankaasina wax aka hadlay hormuudka kuliyada caafimaadka ee jaamacadaasi C/salaam C/laahi Jaamac oo ka soo qayb galayaasha dood cilmiyeedkaasi ku dardaaray in loo baahan yahay in doodan ay ka soo baxaan natiijo fiican oo dalka iyo dadkaba anfac u leh.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed