|

Dood Bedeshay Jewigii Wada Hadal ee Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Muxaafidka oo Ku Wajahan kala duwanaanshaha Labada Diiwaangelinood DAAWO

doodHargaysa 15.Sep 2014 (SDN/QJ)- Xubno ka Tirsan Xisbiyada Mucaaridka iyo Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye ayaa isku haleelay dood adag oo ku wajahan Muranka ka dhashay Diiwaangelinta Muwaadinka oo labada Xisbi Mucaarid ay qaadaceen kadib markii la isku xidhay Diiwaangelinta Muwaadinka iyo ka Codbixiyeyaasha kaas oo ay ku doodeen inuu dabar ku yahay Sidii ay Doorashadu Xiligeedii ugu qabsoomi lahayd isla markaana uu Khilaafsan yahay Heshiis ay wada jir u gaadheen Xisbiyada Mucaaridka,Xisbiga Talada dalka haya,Komiishanka Doorashooyinka, Xukuumada iyo Qaadhaan bixiyeyaasha.

Doodan oo uu soo qaban qaabiyay Telefishanka HCTV ayaa waxaa ka qayb qaadanayay Mujaahid Cali Guray oo Xisbiga Ucid ka socday,C.rashiid Riyo Raac oo ka socday Xisbiga Waddani iyo Xildhibaan Bukhaari oo Xukuumada iyo Xisbigeeda ku matalayay doodaas.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

 

Comments are closed