|

Donald Trump oo dacwad laga gudbiyay

Washington December 20, 2022 (QJ) – Guddiga ay Aqalka Wakiilada Mareykanka u saareen baarida weerarkii 6-dii Janaayo 2021 lagu qaaday xarunta Congress-ka, ayaa Isniintii u gudbiyay dacwad-oogayaasha afar dambi oo lagu soo oogo madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Codsiga uu guddigan u diray Waaxda Cadaaladda ayaa noqonayaa kii u horreyay taariikda ee Congress-ka dalbado in la maxkamadeeyo madaxweyne hore.

Guddiga ayaa ka codsaday in Waaxada Cadaaladda madaxweynihii hore Trump ku soo oogto afar dambi oo kala ah; carqaladeynta hawlaha rasmiga ah ee Congress-ka, qiyaano qaran, hadallo been ah iyo kicin shacab ama abaabul kacdoon.

Donald Trump ayaa codsiga guddiga ku sheegay “eedeyn been abuur ah” oo looga hor-istaagayo inuu mar kale isku sharxo xilka madaxweyne.

Waaxda Cadaaladda Mareykanka ayaan ilaa haatan ka hadal codsiga Guddida Aqalka Wakiilada.

Comments are closed