DKMG ah ee Soomaaliya oo canbaareysay dilkii agaasimaha Shabeele
Muqdisho Jan 28,2012(qurbejoog.com)-Dowladda Federaalka Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya waxay canbaareyneysaa falki foosha xumaa ee caawa dilka loogu geystay Allaha u naxariistee Xasan Cusmaan Cabdi oo ahaa Agaasimaha Radio Shabelle ee Mogaalada Muqdisho oo ay koox dhagar qabayal ah si gaadmo ah ugu toogteen meel aan ka fogeyn hooygiisa Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Wasiirka Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta Mudane Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) ayaa ku tilmaamay dilka marxuumka arin naxdin leh aadna looga xumaado, asigoo xaqiijiyay in hey’adaha amniga baaritaan deg deg ah ku sameyn doonaan fal danbiyeedkaan. Wasiirka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyski iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Xasan Cusmaan Cabdi, wuxuuna ilaahey uga baryay inuu janadii fardowsa ka waraabiyo.
Waxaa xusid mudan in saxafiyiinta Soomaaliya ay ku shaqeeyaan duruufo khatar badan, iyagoo mar kasta ay beegsadaan kooxaha xag jirka ah ee doonaya in ay hakiyaan tebinta gabood falka ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed iyo saxaafada xorta ah.
Samir & iimaan rabi haka siiyo qaraabadi, ehelki iyo asxaabti uu ka baxay Xasan Cusman Cabdi. Aamiin Aamin, Aamin.
Qurbejoog-Muqdisho