|

Diyaarado dagaal oo dul wareegaya Baardheere iyo qal qal soo wajahay shacabka

Baardheere 04, 2012(qurbejoog.com)- Dadka ku sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa u xaqiijiyay Website-ka  Somalidiasporanews.com in saakay ilaa iyo duhurnimadii maanta degmadaasi ay dul heehaabayeen diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulaya.

Diyaaradaha ayaa la sheegay inay yihiin labo diyaaradood oo waliba ah nuuca miigga ah, iyadoo dul meeraysanaya degmada Baardheere oo laga cabsi qabo inay duqeymo xoogan ka gaystaan.

Saraakiil ka tirsan Al Shabaab ayaa la sheegay inay la hadleen dadka ku sugan degmadaasi oo ay ku wargaliyeen inay is dajiyaan islamarkaana ay iska saaraan wal walka, waxaana taasi sii dheer in degmada lagu arkayay Ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo kor u qaadaya qoryaha fudud si ay ugu hortagaan diyaaradahaasi hadii ay duqeymo ka gaystaan Saldhigyada Al Shabaab ee degmadaasi.

Dadka shacaka ah ee ku sugan degmadaasi ayaa xaqiijiyay inay soo foodsaartay cabsi iyo wal wal ku aadan arrintaani, waxaana wararku ay sheegayaan in jawiga degmada Baardheere uu yahay mid kacsan islamarkaana laga cabsi qabo duqeymo ka dhaca halkaasi.

Degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxaa ku sugan Ururka Al Shabaab, waxaana marar badan duleedyadeeda ka dhacay duqeymo ay diyaaradaha dowladda Kenya ka gaysteen halkaasi kuwaasi oo loogu gon lahaa in lagu bartilmaameedsado Ururka Al Shabaab oo Saraakiishu Kenya ay sheegeen inay baabi’inayaan.

 

Qurbejoog-Baardheere

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed