|

Diyaaradihii Muqdisho Iyo Hargeysa U Kala Gooshi Jirey Oo Rakaabkii ay Qaadi Jireen Joojiyey iyo Culayska Soo Food saaray Dadka Shacabka ah

Hargeysa:29-Nov-2013(SDN)-Waxa Guud ahaanba Toddobaadkan Diyaaradaha ka soo duula Muqdisho  Ee Ku soo Jeeda Hargeysa ay Joojiyeen inay Soo Qaadaan Dadka Sita Basaborka Soomaaliga ah ka dib markii laanta Socdaalka Soomaliya amar kus soo saartay inaan wax Basaboor ah loo isticmaali doonin Goboladdii hore ee Soomaaliya.

diidayMr Gaafow   oo aaminsan in Somaliland tahay Gobollo ka mid ah Somalia, ayaa Diyaaraha ku amray inaan la Aqbali doonin inay qofka Tegaya meelo ka mid ah Somalia ay waydiiyaan wax Basaboor ah,.

Amarka Gaafaw ayaa sababay in ay diyaaradha ka imanaya Muqdsiho ee Hargeysa ama Somaliland imanayaa ay ku yimaadaan iyaga oo faaruq ah oo aan sidin wax rakaab ah, taasoo saamayn weyn ku oo taban ku yeelatay isku socodkii labada Dal ee dhinaca Duulimaadyada, isla-markaana Culays dhaqaale ku noqotay Diyaaraha laftooda maadaama ay u  baahan yihiin dad badan oo ay qaadaan.

Sidoo kale waxa uu hore wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde amar ku bixiyey inaanay Somaliland iman Karin dadka sita Baasaboorka Soomaaliga ahi, waxana taasi markii horeba ay dhibaato ku ahayd dadka muqdisho ka imanayey ee Baasaboorkan sitay.

Amarada labada dhinac soo kala saareen ayaa noqday kuwo carqalad ku noqday isu socodkii dadweynaha ee labada dal, illaa hadana ma jirto talaabo xal loogu raadinayo arrintan oo ah mid horseedi karta khilaaf siyaasi ah, isla-markaana dhib weyn ku haysa dadka rakaabka  ah oo inta badan si caadi ah iskugu tallaabi jirey.

Xukumadda Federalka Somaliya ayaa wada qorshe kan ka adag oo ay doonayso in ay kula macaamisho diyaaradaha Hawada Somaliland iyo Somaliya soo galaya, taasoo ah amar duulimaadyadii Somaliland iman jiray lagu khasbayo in ay muqdisho soo maraan iyadoo dadka Rakaabka ah ee Somaliland tagaya la saari doono diyaarado yar yar oo ay shirkaddaha diyaaraduhu keensan doonaan.

Culayskan cusub ayaa mid inta badan ku dhacaya dadka rakaabka, waxana arrintani inta badan Halis ku keeni kartaa Somaliland   maadaama dhinaca kale yahay mid caalamka ictiraaf ka haysta.

S.D.N

Contact@somalidiasporanew.com

 

Comments are closed