Diyaaradaha Dagaalka Kenya Oo Duqaymo Ka Bilaabay Kaymaha Gobolka Lamu iyo Sababta Ka Dambaysa
Lamu:July,14,2014(SDN/QJ)-Diyaaradaha Dagaalka dalka Kenya ayaa dul Heehaabaya Kaymaha Awdan eek u yaalla Gobolka Xeebta Lamu, iyagoo Raacdo ugu jira Kooxaha Al-shabaab oo looga shakisan yahay inay Halkaas ku dhuumalaysanayaan.
Inkastoo dadkii deeganadaas degenaa ay ka qaxeen, haddana tiro yar oo ku hadhsan ayaa warbaahinta u sheegay inay arkeen diyaarado Joog Hoose ku duulaya oo dhulka Kaymaha leh dul heehaabaya.
Dad goobjoogayal ah ayaa Wargayska Daily nation ee Kenya ka soo baxa u sheegay in mararka qaar la maqlayo dhawaqa qaraxyo iyo duqaymo ay Diyaaradaha Kenya ku ganayaan dhulka kaymaha ee u dhow Jaziirada Lamu ee dalka Kenya oo aan la ogayn cida lala eeganayo.
Dowlada Kenya ayaan wali war rasmi ah ka soo saarin Duqaymaha Diyaaradaheedu ay ka fulinayan dhulka kaymaha ee dalka Kenya wallow Masuuliyiin Kenya ka tirsan oo warbaahinta la hadlay Magacoodana diiday in Warbaahinta loo adeegsado ay shegeen in la baadi goobaya kooxa AL-Shabaab ka tirsan oo ku dhuumaalaysanaya dhulka kaymaha ee dalka Kenya.
Xarakada dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weeraro 100 qof in ka badan ay ku dhinteen oo ka dhacay gobalka Xeebta ee dalka Kenya.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com