|

Diyaaradaha Dagaalka Israeli Oo Duqeyn Ka Geystay qeybo ka mid ah dalka Syria

Washington May 04 2013 (SDN)— Warbaahinta dalka Maraykanka ayaa soo  warisay in diyaaradaha dagaalka Maamulka Israel ay duqeyn ka geysteen meelo ka mid ah dalka ay xasaraduhu ka jiraan ee Syria.

Saraakiil aan magacyadooda la shaacin ayaa sheegay in duqeynta lala bartimaameyd saday hub laga keenay dalka Libanan oo yaalay dalka Syria, kaasi oo ay gacanta ku hayeen Ciidamada Madaxweyne Bishar Al Assad.

Majiraan warar xaqiijinayay ama beeninayay duqeyntaasi oo ka soo baxay Maamulka Israel iyo dowladda Syria ee ay rabshaduhu hareeyeen.

Dhanka kale Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama oo socdaal ku maraya Costa Rica ayaa sheegay uu san ka fakareyn in ciidamo Maraykan ah uu u diro dalka Syria oo ay muddo 2-sano ah Rabshado iyo dagaalo ka soconayaan.

Barack Obama ayaa adkeeyay in hadii cadeymo loo helo in dowladda Syria ay adeegsato hub Kiimikaal ah labadali doono siyaasada Syria ay ku wajahan, laakiin waxa uu carabka ku adkeeyay in aan lagu deg degi doonin Talaabo Syria laga qaado.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in qiyaastii 70-ruux ay ku geeriyoodeen colaada ka soconeysa dalka Syria.

SDN-Washington 

Comments are closed