|

Diyaarad uu lahaa Milateriga dalka Turkigu oo ku burburtay Afgaanistaan iyo khasaaraha shilkaas ka dhashay

KABUL 16, March 2012 (Qurbejoog.com/AP)- Diyaarad Milateri oo ay leedahay dawlada Turkiga, ayaa Jimcihii maanta ku burburtay duleedka caasimada Afgaanistaan ee Kaabuul.

Siday ku warantay wakaalada wararka ee Associated Press, shilkaas waxa ku dhintay 12 askari oo Turkish ah iyo laba gabdhood oo ku jiray guriga ay ku burburtay, sida ay sheegeen masuuliyiinta Afgaanistaan iyo kuwa Turkigu.

Diyaaraddan oo ahayd nooca qumaatiga u kaca ee loo yaqaan Helicopter, waxa farsameeyay shirkadda Sikorsky ee diyaaraddaha, waxayna qayb ka ahayd hawlgalka ciidanka Maraykanku hoggaamiyo ee isbahaysiga NATO, waxayna ku dhacday meel u dhow caasimada Afgan ee Kabul. “12 ka tirsanaa Milaterigayaga oo diyaaradda saarnaa ayaa ku shahiiday (ku dhintay),” ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka uu Milateriga Turkigu ka soosaaray shilkaas diyaaradeed.

Dhinaca kale, NATO waxay sheegtay in marka shilkaasi dhacay aanay cid cadow ahi oo ay ula jeedaan kooxaha ay dagaalka kula jiraan aanay ku sugnayn aaggaas.

Hase yeeshee, Raysal-wasaaraha Turkiga Mr. Recep Tayyip Erdogan, waxa uu sheegay in diyaaraddaas Helicopter-ta ahi ay ka mid ahayd laba diyaaradood oo duulay Jimcaha maanta. “Nasiib-darro, tii horeysay waxay u dhacday sabab aan la garanayn,” ayuu yidhi Raysal-wasaaruhu.

Waxa uu sheegay in saraakiil iyo askar aan saraakiil ciidan ahayni saarnaayeen diyaaradda burburtay.

Wasiirka Khaarajiga Turkiga Ahmet Davutoglu waxa uu isna warbaahinta u sheegay inay u muuqato in diyaaraddaasi burburtay, xilli ay isku dayaysay inay si degdeg ah u fadhiisato iyo in duuliyihii isku dayay inuu ka fogaado guryaha degaankaas ku yaala, wuxuuna muujiyay sida ay uga murugaysan yihiin shilkaas.

Qurbejoog.com, Kabul

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed