Dirirtii Deegaanka Buuhoodle oo Weli Taagan iyo Xukuumada Somaliland oo Baaq Nabadeed u dirtay DAAWO
Hargaysa 02.March 2015 (SDN/QJ)- Xiisad Colaadeed ayaa Maalmihii u danbeeyay waxay ka Oogan tahay Deegaanka Buuhoodle iyo Qorilugud kadib markii Beelaha Jiidaas wada degaa uu isku dhac dhimasho sababay soo kala dhex galay.
Hadaba Wasiirka wasaarada Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye ayaa baaq nabadeed u diray beelaha dirirtu ku dhexmartay deegaanno ka tirsan gobolka Buuhoodle.