|

Dimishiq: Mucaaradka Siiriya oo bartilmaameedsaday saraakiisha Amniga iyo dilalkii ugu dambeeyay

Dimishiq 24, April 2012 (Qurbejoog.com/AP)- Kooxaha jabhada ah ee doonaya inay ridaan Madaxweynaha Siiriya Bashaar al-Assad, ayaa dilay saddex sarkaal oo ka tirsan dawladda.

Siday ku warantay wakaalada wararka ee AP, weeraro si gaar gaar ah maanta uga dhacay caasimadda dalkaas ee Dimishiq, waxa lagu khaarajiyay saddex sarkaal oo ka tirsan hay’addaha amniga ee dawladda Siiriya.

Sidoo kale, bamboo lagu soo qariyay baabuur ciidan oo ku qaraxday Dimishiq, waxa ku dhaawacmay koox dad ah.

Sida uu sheegay urur kormeera arrimaha xuquuqal-insaanka dalkaas oo fadhigiisu yahay Britain, waxa uu maanta sheegay in sarkaal ka tirsanaa Sirdoonka Siiriya maanta lagu dilay magaalada dhinaca waqooyi-galbeed ee Barzeh, una dhow caasimadda Dimishiq. Sidoo kale, siday warbaahinta dawladdu sheegtay, waxay Argagixiso toogasho ku dishay kornayl shaqada hawl-gab ka noqday iyo walaalkii, kaasoo ahaa sarkaal u sareeya madaxa baadhista ee degaanka Koonfur-galbeed ee caasimadda Dimishiq.

Qurbejoog.com, Dimishiq

Comments are closed