|

Dilkii Ugu Naxdinta Badnaa Oo Deegaanka Qorilugud Loogu Geystay Saraakiil Sarsare Oo Ciidanka Qaranka ka mid ahaa

Qorulugud:Sep,18,2014(SDN/QJ)- Abaanduulihii Guutada 17-aad ee ciidanka qaranka Somaliland  Kabtan Maxamed Yuusuf Aw Rabaax iyo Hawlgeliyihiisii ayuu Xalay Fiidkii Askari ka tirsan isla Guutadaasi ka Toogtay Xerada ay Halkaas ka deggen yihiin Ciidanku.

rabaaxSida ay sheegayaan wararka ay Helayso Shabakadda Qurbejoog.com, waxa saraakiishaas qudha ka jaray askari ciidanka ka mid ahaa, oo u shashay deegaankaas, kaas oo aan ilaa iyo Haatan gacanta lagu Haynin, isla-markaana ka Baxsaday Goobta uu saraakiisha ku Laayey.

Saraakiisha la laayey ayaa isla goobtii ku Geeriyooday, waxana Halkaas gaadhay Saraakiil ka tirsan Ciidanka, kuwaas oo saaka ku sugan xerada Guutada 17-aad ee ciidanka qaranka, waxana lagu wadaa In halkaas lagu aaso Saraakiisha askarigaasi laayey.

Qurbejoog.com oo isku dayday inay ogaato sababta keentay in dilkaas foosha xumi dhaco, ayaa ogaatay in kaliya jaafaa jiriq iyo muran kooban oo dhex maray uu keenay in askarigaasi rasaas Oodda kaga qaado Saraakiishaas, isla-markaana uu Halkaas ka cararo.

Ilaa iyo Haatan lama hayo sabab cad oo askarigu u laayey saraakiisha, waxana wararka qaarkood noo sheegeen inuu Askarigu ka cadhooday Maxaabiis Ciidanku gacanta ku Hayey oo askarigaasi masuul ka ahaa, kuwaas oo saraakiishu ku canaanteen siidayntooda, balse keentay in la is af dhaafo.

Askarigii ayaa u galay Kooxaha Khatumo eek u sugan Deegaanka Buuhoodle oo uu xalay Guure ku galay, waxana raacdo xooggan ugu jira Ciidanka qaranka oo hubsaday inuu dhinaca Buuhoodle u tallaabay.

Arrinta yaabka leh ayaa ah in Askarigu u dhashay Deegaanka Qorilugud, halka saraakiisha dhimatay kasoo kala jeedaan Gobolllada Gabiley iyo Maroodi jeex, waxana shacabka halkaas deggen ay arrintanu ku noqotay Fajax iyo Lama filaan.

Saraakiil ciidanka qaranka waaxyihiisa kala duwan ka kala tirsan oo saaka halkaas joogta ayaa ku baaqday in la bilaabo baadhitaan la xidhiidha sababta keentay dilkaas foosha xun, waxana  ciidanka lagu amray inay raadiyaan askarigaas dilka geystay.

Deegaanka Qorilugud ayaa ah Goob ciidanka qaranku si weyn u deggen yihiin, waxana sidan oo kale hore halkaas loogu dilay taliye Guuto oo hoggaamin jirey Guuto kale oo halkaas deggen, waxana dilay Askari oo isla deegaankaas kasoo jeeda, iyadoo tanina noqonayso dilkii Labaad ee ay  askarta deegaanku Geysato.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed