|

Dilkii labaad ee Xildhibaan lagu Khaarajiyo oo Muddo 24 sacaadood ah ka dhacay Magaaladda Muqdisho

22,Apr.2014(SDN/QJ)-Warar haatan ka imnaya Magaaladda Muqdisho Caasimadda dalka Somalia,ayaa sheegaya in Xildhibaan labaad lagu dilay maanta Magaaladaasi.

Xildhibaanka ayaa lagu sheegay in lagu magacaabi jiray Cabdicasii Isaaq Ibraahim,iyada oo la sheegayo inuu dilku ka dhacay Guriga uu Xildhibaanku ka deganyahay Magaaladda Muqdisho oo ku yaalay Xaafadda Dhenkirlay.waxaana Masuuliayada Dilkaas Tuurta u ridatay Kooxad Al-shabaab ee Dagaalka kula jirta Dawladda Somalia iyo Hawgalka Nabad-ilaalinta ee Amisom

Dilkan Xildhibaanka ayaa waxa uu noqonayaa Dilkaa labaad ee loo Geysto Xildhibaan ka tirsan Dawladda oo la fuliyay muddo 24 sacaadood gudahood ah.

Dhinac kalerna,arintan ayaa waxay ku soo beegmaysaa xil uu Magaaladda ka socdo Shir lagaga hadlayo Amaanka Somalia.

SDN/QJ-Muqdisho,Somalia

Contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed