Dilkii Agaasimaha Duulista Soomaaliya oo NISA lagu eedeeyay
Muqdisho February 19, 2024 (qj) -Agaasimihii waaxda duulista ee dowladda federaalka Soomaaliya C/naasir Muuse Dahable ayaa shalay meydkiisa laga helay gurigiisa.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in la sheegay in ay dileen kooxo aan heybtooda la garan, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin karin cida dilka ka danbeysay.
Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu dhigay 6 Eedeysane oo lala xiriirinayo dilka C/naasir Muuse oo 32 jir ah, kaasi oo meydkiisa laga helay gurigiisa.
Marxuumka ayaa dhawaan ka soo laabtay dalka dibadiisa oo uu ku soo bartay Cilmiga Duulista Hawada, waxaanu hore uga mid ahaa shaqaalaha xafiiska ICAO ee magaalada Hargeysa.
Dhinaca kale, Xukuumadda Somaliland ayaa ku eedaysay dawladda Soomaaliya inay ku lug lahayd dilka Cabdinaasir Muuse Dahable oo ka tirsanaa Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu sheegay in ay tuhmayaan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Somalia ee NISA iyo Hay’adda Duulista Hawada Somalia, isagoo weliba ku dooday inay jiraan Shaqaale ka tirsan Hay’adda Duulista iyo Hawada Somaliland oo uu sheegay inay Somalia ay u soo hanjebto.
Dowladda Soomaaliya ayuu ku booriyay inay baaritaan dhab ah ku sameyso dilka Dahable, isagoo caddeeyay in Somaliland ay eegayaan in Booliska Soomaaliya ay sameeyaan baaritaan cadaalad ah.
Maalmihii u dambeeyay waxaa jiray khilaaf u dhaxeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, kadib markii Somaliland ay ku doodday in maamulka hawada ay iyadu maamusho, balse dowladda Federaalka ayaa si cad u sheegtay inay si buuxda u maamuleyso maamulka hawada dalka.
Lama oga in geerida agaasimihii waaxda duulista ee dowladda federaalka ay la xiriirto xiisadda ka taagan Hawada Soomaaliya, waxaana laga war sugayaa baaritaannada socda ee lagu ogaanayo cidda dishay marxuumka.