Dilka la sheegay ee hogaamiyaha Al Shabaab oo ay dhici karto in ay bur bur ama koboc ku keento kooxdaasi
Muqdisho Sept 04,2014(SDN/QJ)-Dawlada Mareykanka ayaa dhawaan sheegtay in ay bertilmaansatay kolonyo gawaari ah oo gelbinayay hogaamiyaha kooxda Al Shabaab ee Axmed Godane.
Mareykanka ayaan xaqiijin in weerarkaa ay ku dileen hogaamiyaha Shabaabka, balse waxa ay sheegeen in ay heleen fariin af carebi ku qoreyd oo lagu sheegay in Godane uu geeriyoodey.
Ma aha markii u horeysay ee Mareykanku bar tilmaansado Axmed Godane isla markaana la isla dhex qaado in uu weerarka ku dhintay.
Waxaase ilaa iyo haatan aan xaalalada hogaamiyaha Shabaabka aan ka hadal kooxda Al Shabaab oo hore loogu yiqiiney ka jawaabida sheegashada reer Galbeedka.
Hadii dilka Ina Godane dhaboowdo waxa suurto gal ah in kooxda Shabaabku u kala baxaan dhinacyo isku mudici ah.
Hogaamiyaha Shabaabka Ina Godane ayaa hore waxa uu uga takhalusay dhamaanba madaxdii kooxdaas ee ku heystay hogaanka kooxda.
Waxaana iyana Dhici karta in sidii dhacday kolkii Mareykanku khaarijiyay hogaamiyihii hore ee Shabaabka Aadan Xaashi Ceyroow 2008dii in kooxdu hogaan cusub deg deg u doorato isla markaana ay sii xoogeysato.
Si kastaba ha ahaatee Kooxda Al Shabaab ayaa waxa muuqata in haatan ay soo wejahday xaalad adag ka dib weeraro indhaha dunida ku soo jeediyay kooxaha Islamiyiinta.
SDN.QJ-Muqdisho
contact@qurbejoog.com