Dilalka Soomaalida oo Canada ka sii socda
Toronto June 25,2012(SDN)-Waxa ay Policeka Toronto baarayaan dil fiidnimadii Sabtida magaalada Toronto loogu geystay nin Soomaali ah oo 28 jir ah oo meydkiisa laga helay aqalkiisa.
Marxuumka oo la yidhaa Gedi Huseen ayaa sanadii 2008dii waxa uu ka markhaati furay dhegeysiga maxkamad ku saabsaneyn wiil Soomaali ah oo magaalada Edmonton lagu dilay.
Dilkan ayaa u muuqda mid xidhiidh la leh dhalin badan oo hore loogu laayay gobolka Albarta ee dalkan Canada.
Dhalinta Soomaalida e e Alberta tagta ayaa kolka ay shaqo la’aani soo wejahdo u weecda dhanka ka ganacsiga Maandooriyeyaasha.
Horaantii Bishan ayuunbay aheyd kolkii Axmed Xasan oo isna ree Alberta ahaa lagu toogtay magaalada Toronto.
SDN-Toronto
contact@somalidiasporanews.com