|

Dil Naxdir leh Oo Habeenkii Xalay Ka Dhacay Beledweyne

Baladweyne:June,2014(SDN/QJ)-Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxa Habeenkii xalay lagu dilay nin la sheegay inuu ahaa imam masaajid iyo macallin dugsiyo iyo jaamacad Halkaas ku yaalla Bare ka  ahaan jirey.

???????????????????????????????Allaha u naxariistee Imaamka la dilay ayaa waxaa Magaciisa lagu sheegay Sheikh Cabdi Ibraahim Madar, waxaana la dilay xilli uu kusii jeeday Hoygiisa, isagoo ka baxay salaadii cishaa’i.

Dilka kadib ayaa waxaa goobta soo gaadhay Ciidamada Ammaanka, waxa ayna qaaden Meydka iyagoona Howlgalo ku qabqabtay dad badan oo looga shakisan yahay inay  ku lug lahaayeen dilkaas.

 

Lama Ogo sababta ka dambeysay dilka Imaamkaasi, waxaana la rumeysan yahay inay dileen Dhalinyaro ka tirsanaa Alshabaab oo gaadheysay illaa Saddex ruux.

Dilalka ayaa Intii muddo ahayd ku yaraan Deegaanka Baladweyne, waxase tani gelisay shacabka halkaas ku dhaqan cabsi iyo warwar la xidhiidha dhinaca ammaankooda.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed