|

Digreeto magacaabis, bedel iyo xil-ka-qaadis xambaarsan oo Madaxweynaha Somaliland soosaaray, halkan ka akhri

Hargeysa 18, June 2012 (Qurbejoog.com)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa digreeto uu soosaaray ku magacaabay Agaasimeyaal guud, iyadoo midna uu bedelay, xilkiina ka qaaday Maareeyihii xidhiidhka mucaawinada hay’adda WFP.
Sida lagu sheegay qoraal uu galabta soosaaray afhayeenka Madaxtooyada Cabdullaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu magacaabay Agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha Khaarajiga, Daakhiliga, Maaliyadda, Warfaafinta iyo Diinta iyo Aw-qaafta, wuxuuna warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1158/062012, ku magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha kala ah:-
Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta.
Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu magacaabay, Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP, halka Maareeyihii Hore ee Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP, Mudane, Axmed Xasan Nuur uu xilkii ka qaaday Madaxweynuhu.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka.

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimeyaasha Guud iyo Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP JSL.

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso.

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan, aqoon iyo kartina u leeyihin jagooyinkan;

Wuxuu go’aansaday

In laga bilaabo taariikhda maanta ay ahadaan Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Diinta iyo Awqaafta, Maaliyadda, Warfaafinta iyo Wacyigelinta iyo Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP.

1 Faysal Cali Sheekh waxa loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
2 Axmed Cumar Faahiye waxa loo magacaabay Agaasimaha guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
3 Cabdirashiid Cabdilaahi Maxamed, waxa loo magacaabay Agaasimaha guud Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
4 Saleebaan Jaamac Diiriye, waxa loo magacaabay Wasaaradda Maaliyadda
5 Cabdirashiid Jibriil Yoonis, waxa loo magacaabay Warfaafinta iyo Wacyigelinta
6 Mudane, Maxamed Daahir Axmed waxa loo magacaabay Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP

Ujeedo: Xilka Qaadis:-
Mudane,

Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP (Food Coordination Agency).

Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Maxamed Daahir Axmed, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed