|

Digreetadii Dawlada hoose lagaga Xayiray Dhulka Danta Guud oo ay Kulan Garnaqsi ah ka Yeesheen Wasiirka Hawlaha Guud iyo Maayarka Caasimada

Hargaysa 15.March 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud C/risaaq Khaliilf iyo Maayarka Caasimadda Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid ayaa xalay kulankii ugu horeeyey ka yeeshay xaaladda cakiran ee u dhaxaysa ee ka dhalatay Digreetadii wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka Danta guud kaga xayirtay in Dawladaha Hoose bixiyaan, iyo waliba tii ka danbaysay ee wasiirku ku amrayey in ay soo diiwaan-galiyaan Dhulka y gacanta ku hayaan tan iyo intii ay xilka la wareegeen xildhibaanada Golayaasha talada hayaa.

WASIIR IYO MAAYARKAKulankan oo ahaa mid Qarsoodi isla markaana lagu dhex dhexaadinayey labada dhinac ayaan la garanayn waxa uu ku dhamaaday, hase yeeshee warar lagu Kalsoon yahay ayaa sheegaya in kulamo danbe loo balamay .

Ilo wareedyo u dhuun daloola khilaafka maamul ee u dhaxeeya Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Golayaasha deegaanka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland labada dhinacba ugu baaqay in ay sharciyada ku kala baxaan maadaama labada dhinac mid waliba dhankiisa u sheeganayo in uu sharcigu siinayo maamulka dhulka gaar ahaan kuwa dadweynaha laga jaro iyo kuwa Danta guud eek u yaala shacabka.

Si kasta ha ahaatee wali ma jirto talaabo dhexe oo la sheegay in ay labada dhinac ku xaliyi karaan Khilaafkooda, balse waxa laga war-sugi doonaa wareega danbe ee wada hadaladooda meesha ay wax dhigaan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed