|

Digniin Culus oo ku socota dadka Cuna ama ka Ganacsada Qaadka ee ku nool ama degan Cariga Ingiriiska (

 

Sidaad  la socotaan waxaa wadanka Ingiriiska lagaga  dhawaaqey taariikhdu markii ay aheyd 3/7/13 in Qaadka laga joojin doono ( mab-nuuc) dhamaan cariga ingiriiska dhamaadka sanadkan 2013 ama labada week ee u-horeeya sanadka cusub ee soo socda. 

 
 Hadaba Waxaa si is-daba joog ah uga  socda  Caasimada Ingiriiska ee  Magaalada London shir-doodeedyo iyo waab-hawleedyo is-daba joog ah oo badan oo maskax-tuujin ah oo lagaga had-laayey oo lagu qaadaa-dhigaayey sidii loo caawin lahaa iyo sharciyadii qaban lahaa marka qaadka la joojiyo dadka caadeystey cunista iyo murqaanka geedka qaadka ah iyo kuwa iyagu ka ganacsada,waxaa goobahaas lagaga dhawaajiyey in  ay dad badani joogto u-cunaan oo qabatimeen( addiction) cunista joogtada ah ee geedka qaadka ah iyo weliba  dad badan oo iyagu  ka ganacsada oo iyagu kasii ciqaab badaan doona dadka qaadka cuna marka dhawaan Qaadka laga Joojiyo dhamaan Cariga Igiriiska. Waxaa ay soo ban-dhigeen Saraakiisha ugu sareysa ee Ciidamada Nabadgelyada ( Senior Police Officers ) ee Caasimada London in marka qaadka la joojiyo cidii sharciga jebisa ee lagu qabto iyagoo sita ama ka ganacsanaaya qaadka in la hor keeni doono oo uu qaban doono sharciga mukhaadaraadka  ee Class C Drug Act 1971. Halkaas oo uu sharcigani  xukumi doono qofkasta oo qaad lagu soo qabto ama ha cunaayo ama ha ka gancsade’eh.
  
Waxaa kale oo Madaxda Dawladaha Hoose ee Caasimada London ay soo jeediyeen:
In intaan dhamaan la joojin qaadka in bilaha soo socda la joojiyo  hal-isbuuc (week) si ay u-sii ogaa-daan saameynta taban ee ay Joojinta qaadku ku yeelan karto guud ahaan Jaaliyadaha qayila oo ay hormoodka u-tahay Jaaliyada Somaaliyeed ee degan cariga ingiriiska ee UK  gaar-ahaan Caasimada wadanka ee London. Waxa kale oo ay saraakiisha Dawladaha Hoose ee ingiriisku gaar ahaa kuwa arimaha bulshada ee  Caasimada London ay soo jeediyeen in ay dhamaantood diyaar u-yihiin sidii loo caawin lahaa dhamaan dadka uu saameeyo Joojinta qaadku hadii ay tahay dhica caafimaadka iyo dhinaca dhaqaalahaba marka dhawaan wadanka igiriiska laga mab-nuuco cunista iyo Iibinta geedka qadhaadh ee Qaadka ah dhamaadka sanadka aynu ku jirno ee 2013.
 
Alleh Ayaa Mahad Leh!
Tusan iyo Tixgelin
Tebiye:Free-lance Somaliland Activiest
A/Rahman Fidhinle
Galbeedka Caasimada London
 

Comments are closed