|

Difaaci Labada Xildhibaan Ee Dhanka Xukumada +Odayaasha Golaha La Baxay Hadii Ay Xisbiyada Gali Wayaan Mandheera Ayey Liinta Ku Cabi + Suaali Ardayda Ee Diirdiirana+Badhaadhi Marwo Saynab Action Aid!!!!

(KampalaSDN) Wafti baaladhan oo ay horkacayso sarkaal sare oo ka tirsan Team leader actionAid Saynab mohamed xasan,waftigan oo ay ka mid ahaayen labo xildhibaan oo barlamaanka somaliland ka socda oo kala ahaa xildhibaan Yusuf Artan iyo xildhibaan Ahmed yasiin sheekh ali ayaanle iyo xubno ka socda arimaha bulshada waxa kale oo ka mid ahaa marwo kaltun gudomiyaha dalada haween somaliland ee nagaad.

Hadabo akhristayaal safarka masuuliyintan ayaa waxa uu daarna sidi ay hayada actionAid oo badanaba uu dooda ama ogaata arimaha haweenka somaliland hadabo siday sheegtay sarkaalkan ka madaxda aha actionAid in xiligi xukumada kulmiye mucaridka ahyd ay ka balan qaaday 30% inay xukumada ka siin doonto haweenka marka ay talada dalka ku guulaysato,waxay sheegtay in iska daa in la siiyo 30% inay xaata la yihiin 2% haween weynaha somaliland oo aan saamigoodi helin waliba bulshadana waliba ay ka yihiin 65% bulshada somaliland waa mida ka danbeyeysay inay xildhibanada iyo masuuliyinta kalaba inay bal soo bartan oo arkaan sida wadamadan sida ugandha iyo kenya uu ixtiraaman haweenka inay indhahooda ku soo arkan,waxanay la kulmeen barlamaanka labada dal ee kenya iyo ugandha .

Waxa kale oo Marwo saynab sheegty iska daa xuquuq ay helaane naftoodi iyo tacadiyadii lagula kacayey baa aad usii badanaysa ila heer nalala yaabo la yidha xage ka keenten kiisaskan aad shegaysan cadeeyana naloo raaciyo!.

Dhanka kale labada xildhibaan ee ka socday barlamaanka somaliland ayaa waxa ay suaalo saxafadu weydisay iyo ardaydu weydisay waxay uu dhaceen sida tan.

Suaasha ay saxafadu weydisay waxay ahyd side baad uu aragtaan golaha ama madasha ay dhawaan dalka kaga dhawaaqen xubno mucaarid iyo siyaasiin madax banaani ,iyo suaal kale oo ahayd side ayaad uu aragtaan in aad dhex dhexaadnimadi lumisen oo ay isku milmeen waaxdi shacri dajintu iyo waaxdi fulintu.

Xildhibaan ahmed yaasin sheekh ali ayaanle isago suaasha ugu horeysa ka jawaabaya ee madasha wada tashiga waxa uu ku tiraabay ama ku jawaabay marka ugu horeysa gaolahasi waa sharci daro lkn waxa ku jira niman badan dalka ku qaaliya lkn waxay wadan waa xaaran mxy xisbiyada uu gali wayeen sida wadani ucid kulmiye hadii ay sidan ku sii jiraan xabsiga mandheera ayey liinta ku cabayaan!!

Dhanka kale xildhibaan yusuf artan ayaa isna gabi ahaanba sheegay golahaasi uu yhy mid aan sharci ahyn dalka iyo dadkan dani ugu jirin,dhanka kalana isago aad uga sheekeyey guulaha ay somaliland gaadhay ,suaal kale oo saxafadu weydisay oo ahyd kawran deegaanki soo doorty wax ma uu qabatay ,ayaa waxa uu ku jawaabay maya maya!!!

Dhanka kale hogaanka dalada guud ee ardayda somaliland saleeban abdi rahman hassan ayaa waxa uu qodobeyey oo uu ka sheekeyey risaalad ahaana uu faray waftiga inay tabayan doorki xukumaada ma haysano wax waxyaabo badan naga gacan qabta ,ma haysano safiir ,ma haysano wax naga caawiya malmaha qaranka sida waxa dhacda marka ardayga reer somaliland dalki ka imanaayo in air por berbera ka soo ilaabo exit oo dib ugandha looga celiyo,waxa kale inaanu xukumadan hada wax safiir ah uu jooga dalkan ugandha inaanu jirin ardayad faraha leh wax badan ka cawin laha iyo qodobo kale oo doora.

Hadabo akhristayaal naga dhowra qudbadahan oo maqal iyo muqaalba leh sacadaha soo socda kalana socda shabakada caanka ah SDNnews

+256791661106 ama 0791661106

Wariye khadar bitijoor

khadarbitijoor@hotmail.com

OFFICE UGANDHA

Comments are closed