Diblomaasiyiinta Maraykanka Ee Kenya Ku Sugan Oo Halkaas Laga Saari Doono
Nairobi:Muqdisho:June,21,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Maraykanka, ayaa si rasmi ah u shaacisay inay xubno ka tirsan Diblomaasiyiinteeda Kala Baxayso Dalka Kenya.
Sidoo kale waxay Dawladda Dalka Maraykanku Mamnuucday in dhamaan shaqaalaheeda safaarada ay u safraan degmooyinka dhanka xeebaha Kenya ku yaala, halkaasi oo inka badan 65 ruux ay ku dhinteen weeraro ALshabaab ay ku qaadeen.
Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada weeraradaasi toogashada ah ee ka dhacay xeebaha Jaziirada Lamu ee dalka Kenya, laakiin madaxweynaha dalka Kenya ayaa arintaasi ku eedeeyay inay ka dambeeyaan shabakado siyaasadeed.
Kenya ayaa wajahday weeraro kala duwan oo Alshabaab ay ka geysanayeen dalkaasi, waxaana taasi ay horseeday in dalalka reer galbeedka ay digniino kasoo saaraan soo joogitaanka Kenya iyo magaalooyinka dhanka xeebaha ku teedsan.
“ Iyadoo ay jirto weerarkii bishan 15-keedii, safarada Mareykanku waxay soo saartay digniinta ah inay u safraan magaalooyinka dhanka xeebaha, iyadoo la eegayo weeraradii ugu dambeeyay safaarada sidoo kale waxay la baxeysa qaar kamid ah shaqaalaheeda”sidaasi ayaa lagu yidhi barta internetka ee safaarada Mareykanka ee Kenya.
Dowladaha Britain, France iyo Australia ayaa bishii lasoo dhaafay waxay soo saareen digniin ku aadan muwaadiniintooda inaanay u safrin magaalooyinka kale ee dalka Kenya.
Tallaabooyinka reer Galbeedku wararka dhiillada leh kaga soo saarayaan waddanka Kenya, ayaa dhirbaaxo weyn ku ah Dhaqaalaha Dalkaasi,waxana Haatan Gebi ahaanba meesha ka baxay Dalxiiskii dalka oo laga Heli jirey Dhaqaale xooggan.
SDN/QJ