Dibed-baxayaashii Istanbuul oo laga Saaray Beerta Gezi
Istenbul June 16,20139SDN)-Ciidamada amaanka ee dalka Turkiga ayaa xalay gebi ahaan ka sifeeyay dibed-baxayaal 17kii cisho ee u danbeeyay ku sugnaa beerta Gizi ee magaalada Istanbul.
Raiisul wasaaraha dalka Turkaga Rejipp Erdogan ayaa maalinimadii shalay u jeediyay digniintii u danbeysay oo uu ugu baaqayo dibed baxayaasha in ay isaga baxaan beerta.
Dibedbaxayaasha ayaa ku adkeystay in xukuumadu fuliso dalabaad ay dhawaan soo jeediyeen oo ay ka mid ahaayeen in beerta aan la dhisin,in la sii daayo asxaabtooda xabsiyada ku jira iyo in baaritaan lagu sameeyo sidii ciidamadu dibed baxayasha ula dhaqmeen.
Maanta ayaa la arkayay dibedbaxayaal kooban oo taagtaagan wadooyinka Istanbul balse booliska ayaa gacanta ku haya dhamaan goobihii ay dibedbaxayaashu ku sugnaayeen.
Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay habka ay ciidamada boolisku ula macaamileen dibedbaxayaasha,halka Turkiguna ay sheegeen in dadkani ay gacan ka helayaan dawlado dano gaar ah ka leh Turkiga.
SDN-Istanbul
contact@somalidiasporanews.com