|

Dib- isugu noqoshadu waa tubta haggaaga iyo toosinta qaranka

11715441_907570839281407_1400143519_oHaa, Waxa aynnu nahay bulsho rubuc qarni in ka badan dib-u-dhacsan oon dib-u-socosho mooyee hore-u-socosho lahayn. Waxa aynnu nahay bulsho gobol-gobol iyo reer-reer isugu muuqata. Horumar oo dhan waxa innaga hortaaggan xanuun iyo jirronnaan innaga ina haysa oo aynnaan se dareensanayn. Astaqfurullaah waa aynu dareensannahay se waxa aynnu luminnay caqligii iyo garashaddii aynnu isku badh qaban lahayn. Waynu dareensannahay sidoo kale inaynnu in taaba luminnay oo aynaan garan karin waxa ina haya iyo halka duulaanku inagaga socdo. Ma aqoonyahanno yarin oo boqolaal iyo boqolaal aqoonyahan baa aynnu leenahay salaaddu se way xidhmi la’dahay. Waxa aan ka maqlay Abwaan Hadraawi in bulsho kasta ay dhibaatada kaga baxdo aqoonyahankeeda iyo siyaasigeeda, Somaalina labada gabay ee kaalintoodii banneeyay waa labaddaas, is ka daa bannayn e waa labadda dhibaatada ka masuulka ah. Haa, waa runtii oo dhibaatada Soddon jirsanaysa waxa sababta koobbaad leh aqoonyahan (Culimo iyo aqoonyahan maaddiba) iyo siyaasi aynnu badbaad moodnay laakiin dan gaareed innagu fushada.

Wadcigeenna ama xaaladdeena maanta waynu ku qanacsannahay taas waxa caddayn kuugu ah sida aan cidiba  isu-weydiinayn “Waar dhankaynu u soconnaa, maxaa ina haysta, halkee wax innagaga socdaan iyo sidani ma inoo dan baa.” Waxa aan u baahannahay inaan aaminno in wax weyn oon yarayni innaga khaldan yihiin jeer kalena inaan qiranno, oggolaanno, aqoonsanno in aynnu u baahannahay daaweyn oo aynaan bad qabin dabadeed raadinno faraadinkii garan lahaa jirrooyinka iyo dhibaatooyinka bulshada ahaan ina haysta. Taasi waxa ay inoo furaysaa hillinka caafimaadka iyo dib-isu-qabashada, waxa sidoo kale fududaan lahaa hannaanka isbeddelka bulshada iyo isdoorinta aynu xaaladdan maanta iska doorinayno innaga oo isu doorinayna dunida horumarka, wax-wada-qabsiga, dowladnimada iyo aqoonta.

Waxa aad ogsoonaataa akhriste in Ilaahay aanu xaalad ummaddi ku sugantahay aanu ka beddelayn illaa oo ay iyagu iska dooriyaan. Dhalinyaro ahaan, aqoonyahan ahaan, iyo indheer-garad ahaan ba aynnu xaaladda bulshadeenna iyo wadciga dalkeenna eegno oo aynnu nafaheenna ugu horreyn waxa ka khaldan saxno. Marka qof saxmo baa qoys saxmayaa sidoo kale baa marka qoys saxmo oo toosnaado qaran toosnaadaa. Madaxda xun, aqoonyahanka xun iyo culimada xunba bulsho xun baa beerta. Hoggaanka wanaagsan, culimada wanaagsan iyo aqoonyahanka wanaagsanna iyagana bulsho wanaagsan baa beerta. Waxa aan hadalka ku soo gunaanadayaa hadal aan u qiimo iyo qaayo badan, oo xanxantaynaya quluubteenna sidoo kale inoo noqon kara tilmaan oo uu yidhi Maalik Ibnu Nabi “Bulshooyinka dib-u-dhacsani ma aha kuwo leh anfac adduun, waxa ay se leeyihiin maskaxdii ay ku maarayn lahaayeen mushkiladdaha haysta”.Nabaaddiino.

 

W/Q: Cabdiqani Cabdillaahi Aadan.

Email: abu_abdorahman@hotmail.com

Facbook: Abdikani Aden.

22/Juun/2015, Isniin.

 

 

 

 

Comments are closed